Magaalada Kismaayo Oo Dagan kadib qaraxyo kala duwan oo dhacay
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa wali kacsan kadib markii maanta ay ka dhaceen qaraxyo xoogan iyo rasaas ay rideen ciidamada dowlada.
Qaraxii koobaad ayaa ka dhacay Xarunta maamulka magaalada, waxaana halkaas lasheegay in dhaawac uu kasoo gaaray gabar dhalinyaro ah.
Labo qarax oo kale ayaa ka dhacay Aargada magaalada Kismaayo iyadoona lala begsaday ciidamo katirsan kuwa dowlada iyo Raaskambooni, mamulka Kismaayo ayaa sheegay in qaraxaas uusan wax qasaaro ah ka dhalan hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen meydka ila shan kamid ah ciidamada magaalada kusugan iyo dhaawaca kuwa kale.
Sidoo kale qarax kale ayaa ka dhacay kaniisadii hore ee Talyaaniga oo ay kusugan yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Raaskambooni, lama sheegi karo qasaaraha qaraxaas ka dhashay.
Magaalada ayaa waxaa isqabsatay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Raaskmabooni tas oo laga cabsi qabo in qasaaro uu ka dhashay.
Magaalada Waxaa saaran bandow, waxaana qofkii lagu arka isagoo magaalada socda loo taxaabayaa xabsiga sida uu sheegayo Wariyaha Warqaad.com eee magaalada.
Ku dhawaad 18 ruux ayaa la sheegay in haatan ay ciidamada howlgal raaf ah ku qabteen gudaha magaalada Kismaayo iyadoona dadkas xabsiga la dhigay.
Jawiga magaalada ayaa ka degan sidii saakay uu ahaa, hase ahaatee ma ahan mid wali lagu dhiiran karo, wxaana xiran goobihii ganacsiga, isu socodkii dadka iyo gaadiidka.
Saraakiisha Raaskambooni ayaa Warqaad.com usheegay in ay baadi goobayaan kooxihii ka danbeyay weeraradan ka dhacay magaalada.