Maqaal: Shirweynihii Cali Gerri Axmed, Gudoon adag iyo Go’aamo ku dayasho mudan
Inta badan shirarka ka dhaca deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Khaatumo State waxaa hadheeya kala daadsanaan badan marka laga hadlayo kuwo juffo hoosaadyadu yeeshaa, waxaana inta badan lagu nisbeeyaa in shirarkaas ay isa soo dhex qotomiyaan Caadoqatayaasha beelaha u dhashay ee maamulada u shaqeeya, ayagoo ku afgobaadsa aniga yaa beesha iga saaray iyo cado kale oo caato ah una badan beerlaxowsi lagu hodo wax ma garatada.
Ugu horeynba guushii koobaad ee Shirkii Towfiiq2 lagu daah furey ka gadaal waanada iyo wacdiyadii diiniga ahaa , ayaa la isku afgartay in cid u shaqaysa maamulada hareeraha ee beesha sheegta inay la qolo yihiin aysan cag soo dhigi karin shirka isla markaana ka takooran yihiin, taasoo durbaba noqotay shir ka duwan kuwii beelaha Dhulabahnte qabsan jireen una muuqda mid si deg deg ah u najaxi doono.
Guud ahaan shacabka reer Khaatumo waxay indhaha ku hayeen shirweynahaasi, halka uu saldhigan doono, ayadoo qofkastaba uu ka muujinayey rajo iyo ififaaflo yididoolooyin xanbaarsan. Waxaa si guud shirka loogu dhamaystiray dadkii Ahlu Caqliga ahaa ee beesha oo la isugu keenay kuwaasoo si buuxda oo aan kala hadhlahayn ugu soo ururay geed hoostiis oo ku yaala halka loo yaqaano Qudhacda baliga Buuhoodle oo bilic qurux leh oo Eebe weyne ku manaystay xili roobaadkii Dayrta ay muujiyeen.
Muxuu Dulucdii Go’aamadi ee quruxda badnaa?
marka la isku soo xooriyo go’aamadii geesinimada iyo xikmada lahaa, waxay ahayd uun inaysan cid matalin cadowna yihiin kuwa la socda maamulada hareeraha gaar ahaan kan SNM, kuwaasoo duulaamadooda ay cadowga ugu soo hrokacayaan deeganada ay tahay muqadas waajib ah in xabad afka laga geliyo, loona aabo yeelin waa ina hebel iyo waa reer hebel. Waxay kaloo direen Madaxdhaqameedk,Cuqaashii, Culimadii iyo waxgaradkii geedka joogay fariin cad oo si aan leexleexad ku jirin ay beelaha kale ee Dhulbahante ugu sheegayaan, nagu dayda oo go’aan ka gaadha Horgalada hoosta lagu haysto ee deeganada si bahalnimada ah maatada ugu laynaya haba ugu darnadeen kuwa Laascaanood joogaayee.
Maxaa laga sugayaa beelaha kale?
Hadaba Waxaa iska cad in maanta jidkan ay fureen Beesha reer Cali Geri, ee ay u horqaadeen walalahooda kale ee Dhulabahante ay tahay mid ku dayasho mudan oo ay tahay in si deg deg ah reeraha Dhulbahante badankoodu ay si deg deg ah u soo saaraan go’aamo kuwan la mid ah, oo ay ugu horayso inay go’aan ka gaadhaan Horgalada horboodaya cadowga ee deeganada ku soo hogaamiyey SNM iyo maleeshiyaadkooda.
Waxaan u malaynayaa reeraha la doonayo inay si deg deg ah talaabadan oo akel u qaataan inay is garanayaan asana u baahnayn inaan halkan ku Xardho haatan, Garaado, Cuqaal iyo waxgarad laga doonayo go’aamadan Geesinimada leh ee Cali geri qalinka ku duugeen waa la wada garanayaan, waana arin loo baahnaa in marhore la sameeyo, haseyeeshee Caano daatayba dabadooda la qabaye waxaan sugnaaba waa Baaqa Cali gerri oo ay fuliyaan reeraha kale ee Horgaladoodu buuxdhaafiyeen Hargaysa iyo Laascaanood.
Gabpgabo, ugu danbeyntii Cali Axmed Waxaan dhihi lahaa, Laa shukru calaa waajib, Dhulbahantaha kalena waxaan dhihi lahaa Awrba, Awrba uu ka horeeyo ayuu saanqaadkiisa lee yahay, aan dabagalno Towfiiq2 ilaa aan gaadhsiino Towfiiq10. Guriginu wuxuuba ku wanaagsan yahay in hoosta laga soo unko.
waar kuwani waligoodba ma waxay isku waniyaan aan dagaalano , oo dagaalku halkuu gaynayaa , iyaga uun baa ku dhamaani walee , yaa uuga futo xun , colad dhul mahante , beelaha hareeruhu inta ay donan baa ay ka quwad iyo qaayo badanyihii, dhulmahante ku kolay magacaga ayaa ka cadahay in aanad dhul lahayne , yeel in laguu taliyo , oo lagu saarto waliba