Maqaal Xiiso leh;-CAMBAAREEYNTA WARBAAHINTA NACEEYBKA.
Mahadoo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo NabadgelyoSuubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa,Warbaahinta iyo
Saxaafadda ayaa ah risaalad qiimaheeda leh hadii dhankeeda
wanaagsan lagu dhaqmo lana soo bandhigo wararka,dhacdooyinka
iyo waxyaabaha jira oo runta ku saleeysan,iyadoo maanta aduunku
u aqoonsan yahay warbaahinta iyo saxaafada awood afraad.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad Midnimada iyo Cadaaladda
codka somaalida damiirka,dareenka iyo qiirada wadaniyadeed leh
kana turjumaha xaqiiqada dhabta oo markaas taagan-waxaanu
halkan ku soo gudbineeynaa cambaareeyn culeeyskeeda leh iyo
dhaliilo waaweyn oo aanu dusha uga tuureeyno:-UniversalTV
(gaar ahaan barnaamijka Xog-waran,Idaacada iyo Shebekadda
Shabeele.net,Idaacadda VOA-ka)oo intuba shaaciya warar aan
jiran iyo barnaamijyo naceeyb,xumaan abuur,dad kala fogeeyn
iyo dayaacadu qaawan oo ku wajahan:-Degaamadda Goboladda
Jubooyinka iyo Gedo(J/Land),Khaatumo State iyo Maakhir-Land
hadafka ka dameeynaaya tahay u adeegida rabitaanka,ujeedada
eey wataan Maamul jira oo hab cunsuriyadeed ku caan baxay iyo
Kooxo hada ku soo biiray saaxadda Siyaasada Somaaliyeed(Damu-
Jadiidka).
*Waxaanu ugu baaqeeynaa qeybahaas warbaahinta iyo saxaafada
ka midka ah iyo kuwo kaleba in eey joojiyaan hab dhaqameedka ka
baxsan habka suuban iyo hanaanka hufan ee gudbibta macluumaadka
iyo run ka sheegidda warbaahinta,waana dhaawac weyn oo qiimo
tiray qeybahaas kana dhigay kuwo u buuxsiibteey kala fogeeynta iyo
u kala xaglinta bulsho-weynta Somaaliyeed,isla markaana doortay ku
dhaqmida ficiladda foosha xun(been abuurka,dacaayada,buunbuuninta
waxyaabo aan jiriin iyo colaada u qaadida bulshada asal ahaan ka soo
jeeda degaamadda aanu soo xusnay).
*Sidoo kalle colaada,dagaal xaq-daradda ah iyo weerarada dhul boobka
oo eey wadaan Maamulka S/Land kuna hayeen degaamadda Khaatumo
ayeey dacaayad iyo taageeroba u yihiin warbaahintaasu xaqiiqada iyo
dhacdooyinka runta ahna ku bedelaan kuwo gacan ku rimis ah(Been cad
ah oo loo soo laqamo,waana arrimo ayaan daradooda leh).
*Sidoo kalle Shebekada iyo Idaacadda Shabeel oo weligeedba dhibaato
iyo colaad abuurid,belaayo sheegida iyo dhaqan qabyaaladeed caan ku
aheyd ayaa beryahan dame biloowday colaada iyo dagaal waji fool xun
leh kuna wajahan Goboladda Jubooyinka iyo Gedo(J/Land)si joogto ahna
u soo bandhigta warar been abuur ah iyo belaayo sheegid ku wajahan
Magaaladda Kismaayo iyo ololle lidku ah Gudigga Farsmada Maamul u
Sameeynta J/Land,taasoo oo micnaheedu yahay ka turjumeeyda aragtida
Lidka ku ah bulsho-weynta J/Land iyo rabitaankeeda aayo ka tashigooda
waana aragti rakhiis ah iyo caqliyad fooroorta oo dhanka xumaanta wax
ka aragta wanaagana ka indho-la,horena xasuus murugadeeda leh iyo
sawir fool-xumadiisa leh shebekada iyo Idaacada shebeele J/Land ku
laheyd tacdiyo,xasuuqyo iyo fafal dembiyeed loo nisbeeynaayeey iyo
la duubnidda shakhsiyaad iyo kooxo eedeeyno badan loo heeysto.
*Sidoo kalle waxaa ayaan daradeeda leh in Shebeele.net colaad iyo
weerar joogto ah oo ujeedooyin toos ahi ka dameeyaan ku hayaan
Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane-Tarzan muwaadin isu taagay u
adeegida Dadkiisa iyo dalkiisa,dadaal,karti dheeraad ah iyo waxqabad
muuqdana muujiyeey,waxaan si cad u taageersanahay xaq sharciyeed
ee dacwadda Tarzan ka gudbiyeey Shabeelle.net.
*Waxaanu ugu baaqeeynaa Dadweynaha damiirka nool leh in eey ka
gilgishaan sida ku haboona u cambaareeyaan warbaahintaas dhibka,
kala fogeeynta,naceeyb abuurida,xumaan taageerida,kala fogeeynta
Ummadda Somaaliyeed ku sifoowdeey iyo u adeegidda maamuladda
iyo kooxaha ujeedooyinka cunsuriyadda ku dhisan ka duulaaya.
-ALLAH MAHAD LEH-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
-Nov-24-2012.