afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:51 pm | Posted by calileeb

Nin Dhirbaaxo Quudheed Dugsaday Dhaqashadeed Maal Dhashaaday Sugtaa Xaajadaad Dhawrataa Abide !!!!

Waa tix ka mid ah Gabaygii abwaan Faarax Nuur-Nelson Mandellihii Reer Hargeysa ee Qarnigii tagay horraantiisii Qabiilkiisa (SNM) Xaqooda raadinayay. Waa Yaabe dhallinyarada Reer laascaanood ee Maalinkasta laga daawanayo Televisionada iyagoo ka hadlaya ururada beesha SNM ee qabiilka ku dhisan l oo (xisbiyo Lagu sheegay ) kuna hadaaqaya Sida hargeisa iyo Burco ma waxay is moodeen inay Ummad Xor ah yihiin? Taasi waa u damiinimo iyo Nacasnimo hadday sidaas aaminsanyihiin. Waayo Maalmaha ina soo maray ayaa taasi inoo cadeeyay oo waagii 10/10/2007 la inna qabsaday in kastoo dabo dhillifyadii  Ina rayaale ee  2007kii ay ku hadaaqi jireen la inama qabsan ee waa la inala heshiiyay. Dabadhillifyadaasi waxaa Xorriyadooda kala weynaa Lafta Tagoogta ah ee loo tuurayay iyo iyagoo Gobanimo u gaar ah ka dhex raadinayay Horjooganimada qabiilka isaaq.

 

Beesha SSC ama Dhulbahante runtii waa dad soomaali Dhab ah waligoodna aan Ogolayn in Somali lakala Googooyo, wana dad ku caan baxay inay yihiin daraawiish , inay yihiin dad aan gaban oo waligoodna inay iyagu wax xukumaan mooyee aan la qabsan lana xukumin ,

Qiimaha dhulbahante ka leeyahay soomaali dhexdoodana runtii waxaad dareemi kartaa marka aad u baxdo meel ka baxsansomaliaamasomaliagudeheeda haday tahay koonfur ama waqooyiga kale.

 

Beelweynta dhulbahante intay Taleex iyo Jiidali ka duusho ayay Berbera iyo hargeisa halcaanamaal intay usii dhaxdo ayay geela kaga soo qaadi jirtay o xarunta daraawiishta kusoo shubi jirtay , hadhowna halkaasi lagu qaysan jiay , xiligaasi Odayga iyo reerka yaalla ballidhiig iyo Bullaxaar waxay baqdin ka qabeen daraawiishta Taleex kasoo duulaysa ee uu hogaaminayo ninka Dhulbahante ee amaanduulihii darawiisheed halyaygii ‘Ismaaciil mire” alla yaa raxma ayay geedi u gali jireen meelba meesha ay ka fogtahay intaanu geelooda qaadin walwal ayayna ku noolaayeen.

 

Balse maanta aduunkii oo dhan waa is bedelay Ninkii shalay baqdinta ku noola caruurtii maanta waxaad mooodaa in beesha dhulbahante mudo 6 sano caga cagaynaysa inay Caasimadii Beeel waynta dhulbahante lagu soo duulo inta hargeisa iyo Burco lagasoo duulo  laascaanood noqotay meel la haysto maalinkastana la rabo in dhul durugsi la sameeyo oo Xuddun iyo Holhol ay rabaan inay plan-ka labaad ka dhigtaan ,

Arrintaasna ay Dabadda ka riixayaan Horgalayaasha Beesha dhulbahante kasoo jeeda Ee hargeisa Lafta lagusoo siinayo.

 

Sababaha gayayasiiyay Dhulbahante in la qabsado waxaa loo aanayn karaa dhowr siyaabood waxaana ka mid ah:

 

-Beesha Reer Sool, Sanaag iyo Cayn oo aan intii ka Danbaysay Xornima doonkii daraawiisheed ee ay soomaali kaga xoraynayeen Farenjigii Ingiriiska iyo talyaaniga  aan helin wax hogaan Dhab ah oo isku duuban kana hortaga Cadowga ku soo duulaya Maadaama Cududii daraawiishta la wiiqay,

-Waxaa kale oo loo aanayn karaa kala furfurnaanta iyo kala qaybsanaanta hoose ee beelweynta dhulbahante taasoo gayaysiisay iyagoo awood iyo dhaqaaleba haysta inay hal reer oo isaaq ah (SNM) mudo 6 sano ka badan caasimadoodii gacanta ku haystaan, tamartii waxgaradka Dhulbahantena awoodoodii ay noqotay inay ka qayliyaan warbaahinaha kala duwan ee somalida.

 

- Waxaa kale loo aanayn karaa Qabsashada  dhulka khatumo siyaasadii Alle ha u naxariistee Garaad C/qani garaad Jaamac , oo ahaa siyaasi caan ah oo halyay beeshan kasoo jeeda ah 1954na ka qalinjabiyaya jaamacadii siyaasadda eeBritaininkastoo qabsashada laascaanood ay ka danbaysay geeridii garaadka.

Mar garaadka waraysi ay BBC-du la  yeelatay oo la waydiiiyay yiri maxaa loo waayay in beeshu ay hal meel isugu luga duwato oo hal maamul ay ugu biirto , oo ay meel walba cagta ugula jiraan ?

-wuxuu ku jawaabay garaadku , adeer maxaa dhulbahante hal meel isugu gaynaya Dhulbahante ma Jinac Duullaan baa ? jinac Duulaankaa meel isu raacee ?

 

-          Runtii sababahaas aan soo sheegnay waxay noqdeen maanta kuwo la hayo Dhaxalkoodii , waana tan kaliftay in la qabsado caasimadii umadani maalinkastana lagu laynayo magaaladda, dadkiina lagu hayo cadaadis iyo cabudhin , iyo xadhig dumaradii caruurtii iskuuladda macallimiintiiba lagu hayo xadhig jooogtaa , waxaa kale oo ay SNM

walibana iminka loo sii qalab qaadanayo deegaamada kale ee mamulka SNM gacantiisa ku jirin ,sababahaas ayaan orankaraa.

 

Ugu danbayntii beelwaynta dhulbahante Ee Khatumo state of Somalia ee ku sugan Caalamka ayaa maalmahan ugu danbeeyay waday qorshe midaysan kaasi oo kaasi oo la doonayo in lagag saaro maamulka Somalidiidka SNM magaaladda laascaanood iyo deegaamadda ku taxan laamiga dhanka waqooyi , waliba hadii ay suurtagal noqotana ilaa Caynaba iyo burco ba laga qabsado ,

Hadii dhulbahante oo dhan aan midh kaga hadhayn in lagu dhamaado xoraynta dalka khatumo state guud ahaan gaar ahan inta ay gacanta ku hayaan maamulka SNM ee ay dadka ku dhibaataynayaan kuna laynayaan.

 

Qalinkii:  Macallin Cali Faarax Barweyn

johannesburg/South Africa

Wadani_uk@hotmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

6 Comments for “Nin Dhirbaaxo Quudheed Dugsaday Dhaqashadeed Maal Dhashaaday Sugtaa Xaajadaad Dhawrataa Abide !!!!”

  1. mirale10@hotmail.com
    November 26, 2012 - 4:54 am

    afbakaye ninka qora waxaan usheegayaa gabaygan malaha ninkaadsisay ee waxaaleh cali dhuux aadan gorayo bedel magaca hada kunaqor ninka leh gabayga

    Reply
  2. mirale10@hotmail.com
    November 26, 2012 - 5:01 am

    gabaygan oo dhamaystiran waxaad kaheli kartaa maansada lamagacbaxday guba waxaana tiriyay cali dhuux aadan gorayo oo u dhashay khaatumo state adigana waxaad siisay nin aan lahayn gabayga hadaad rabto cadayn waan kusiin hadiikalana kasaar magaca ninka aad kuqortay kuna qor ninka gabayga iskaleh ee looyaqaan

    Reply
  3. garnayl qabow
    November 26, 2012 - 8:27 am

    maqaalkan ninka qoray ma waalan yahay mise waa miyir qabaa? bal adba kkkkkkkkkk

    Reply
  4. amina
    November 26, 2012 - 3:13 pm

    alla walaal waa wax dhab ah waana wax jira , runii dhulbahante sidaad sheeegta ayuu ahaa iminka se waa baaba’ay

    Reply
  5. qurbaawi Cusmaan
    November 26, 2012 - 3:14 pm

    afkaaga caano lagu qabay macallinka wayn ee cali faarax , kuma aqaano lakin waxa aad ka hadlaysaa wax wax jira waana , waqti lasoo maray sxb

    Reply
  6. Dhulbahantaawi
    November 26, 2012 - 3:15 pm

    cali waad mahadsantahay nacaskan Nacasku dhalay ee garnayl qabow sheeganayaana waa lax ,, war xagee lagu arkay Garnayl qabow , waa isaaq baan filayaa wasakhaasiye ,, nooga bax meesha ,, wasakh.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM