Cali Sandulle Oo ahaa Mid ka mid ah Ku xigeenadda Ururada SNM Oo maanta Lagu Afduubay Damal oo Ka Tirsan Gobolka Sanaag.
Wararka nagaso gaadhaya magaalada ceerigaabo ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Ururka lagu magacaabo Xaqsoor ee SNM Cali Maxamud Axmed Cali Sandulle iyo Saraakiil kale oo uu ka mid yahay Af-hayeenka xisbigaasi Rashiid Jaamac Dheri ayay Maleeshiyo aan haybtooda la garanayni ilaa hada la aqoonsani ka af-duubteen meel waqooyi barri ka xigta laascaanood oo la yidhaahdo “Damal”.
Horgalayaasha Ururka Xaqsoor Oo Berhanba Reer laascaanood ay Dabada u Ruxayeen ayaa la af-duubtay iyagoo watay laba gaadhi ayaa la sheegay inay ka kicitimeen dhinaca magaaladda Ceerigaabo isla markaana ay u sii jeedeen dhinaca Laascaanood, balse iyaga oo jidka haya waxa jid-gooyo u gashay maleeshiyo loo aanaynayo inay ka tirsan yihiin Maamulka Xaq U dirirka ah ee ilaaladda Dhulka Khaatumo State Of Somalia oo Ku Sugan Deegaamadda agagaarka Ceerigaabo.
Wararkii u danbeeyay ee naga soo gaadhay Af-duubka loo geystay Cali Sandulle iyo ragaasi la socday waxa ay sheegayaan inaan la haynin meel ay jaan iyo Cidhib dhigeen, wallow ay warar hordhac ah oo na soo gaadhayaa ay sheegayaan In Ilaa Hargeisa SNM-tu ay yaab ku noqotay in Cidamo Khatumo Statae ahi ay ka hawl galaan deegaamadaasi.
Waa dhacdadii ugu horeysay ee dad ka soo horjeeda Doorashada SNM ay ku kacaan isla markaana ay khasaare ugu geystaan Qaar ka tirsan Horgalayaasha Ururo ku sheega SNM arrinta Doorashada, .
Ugu Danbayntii warraka Hargeisa Nagasoo gaadhaya ayaa sheegaya inay Maamulka SNM eeSomalilanday Dhacdadaasi Dusha uga tureen maamul Goboleedka Punland maadaama Ciidamadani gacanta ku dhigay ragani ay wateen Hub iyo Tikniko Tira-beel ah ,
Waxaa kaloo xusid mudan in maamul goboleedka somaliyeed ee Punland uu beryahan hanjabaado usoo jeedinayay maamulka SNM inay sida ugu dhaqsaha badan uga joogsadaan deegaamo ay Puntland sheegatay in sanaaduuq la geeyo sida , Baqdhan , Dhahar iyo meelo kaleba.
Wariye: CaliFaarax Xasan “Calileeb”
ilaahay wa anagasoo qabtay wallee waa war lagu farxo .,, kkkkkkkkkkkkk
wallee waa war lagu farxo hayaay waxaasaa war iga ah iga dheh ,, waar raggu wallee waa rag kkk