Daawo;-Dal badalay dagaaladii Somalia iyo Telefishinada Caalamka oo ku mashquulay (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!
Mudo aad u dheer Telefishinada iyo warbaahinta Caalamka waxa ay ku mashquulsanaan jireen shacabka Soomaaliyeed oo sanooyin fara badan is dilayay waliba soo maray marxalad aad u xun oo ugu dambeeyntii gaartay dad nool in ay is qarxiyaan .
Halkaan ka Daawo Xabada ka socota Kongo & Warbaahinta Caalamka oo Somalia ka nasatay
Qaar ka tirsan dalalka Caalamka waxaa dalka Somalia looga arkaa Wadan dadkiisu aanu Nabada jacleeyn balse iminka u weecday dhanka Nolasha wanaagsan iyo horumarinta bulshada.
Waxaa sii yaraanaya Madaafiicdii iyo Qaraxyadii ay buun buunin jireen Telefishinada Caalamka kuwaas oo ka macaashi jiray ka sheekeeynta foowdada manaxayaasha Xabada la soo taagan .
Telefishinada Caalamka ayaa maalmahaan dambe saaid ugu Mashquulsan Xabada ka socota dalka Kongo gaar ahaan magaalada Goma oo dhawaan ay la wareegeen Maleeshiyaadka la magac baxay the March 23 Movement (M23).
Maleeshiyo-kooxeedkaan hubeeysan waxaa si hoose u soo hubeeysay Dawlada Ruwanda waxaana arinkaas xaqiijiyay Madaxweeynaha dalka Kongo Mr.Joseph Kabila oo iminka u safray dalka Uganda si uu uga dhaadhiciyo qorshaha cusub ee dalka Ruwanda.
Dhanka kale Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugal dalka Kongo ayaa diiday in ay ka qeeyb qaataan dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dawlada Kongo iyo Maleeshiyaadka Mucaaradka ee the March 23 Movement group (M23)
