afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:36 pm | Posted by sool

War Deg-Deg Ah: Horgale Mahad Canbaashe Iyo Ciidan Uu Wato Oo Goordhawayd Ka Anbabaxay Gudaha Magaalada Laascaanood

Wararka Haatan Naga Soo Gaadhaya Gudaha Caasimada Gobolka Sool Ee Laascaanood  Ayaa Sheegaya In Goor Dhawayd Uu Ka Anbabaxay Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool  Horgale Mahad Canbaashe Iyo Kolanyo Ciidana Oo Uu Watay Isagoona  Sida Lasheegay Kusii Jeeda Degmada Xudun Oo Iyadu Katirsan Gobolka Sool Si Uu Usoo Daayo Cali sandule Oo Isagu Ay Haatan Haystaan Ciidanka Maamulka Khaatumo State.

 

Warkan Ayaa Imanaya Xili Goordhawayd Ay Ciidamada Xaqa Udirirka Ah Ee Maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya Ay Gacanta Kudhigeen Horgale Cali Sandule Oo Ahaa Gudoomiye KUxigeenkii Xisbiga Xaqsoor Ee Somaliland.

Dhanka Kale Wararka Ayaa Intaas Kudaraya In Ciidamada  Xaqa Udirirka Ah Ee Maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya Ay Kujiraan haygan Culsu Kaas Oo Ku Aadan Sidii Ay Iskaga Difaaci Lahaayeen Horgalahan iyo Ciidanka Uuwato.

Wixii Faahfaahina Ee Warkaasi Kasoo Kordha Kala Socda Wararkayaga Danbe Hadii Eebe Raali Kanoqdo.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM