Odayaasha Iyo Shacabka Xudun Oo Sheegay Inay Dagaal Ka xigaan Olalaha Dorashoyinka Somalind Oo Ka dhaca…
Waxgaradka iyo odayaasha degmada xuddun ayaa maanta si cad uga hadlay aragtidooda ku wajahan Doorashada Maamulka Soomalidiidku damacsanyahay inuu ka hirgeliyo Degmada Xuddun iyo weliba Joogitaanka Maleeshiyaadka SNM ee Degmada.
waxana Odayaasha degmada Xuddun oo shir ay ku lafa gurayeen arrintaasi ka dib war murtiyeed soo saaray ay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan Joogitaanka Maleeshiyada Snm ee Degmada Xuddun, waxana ay ku nuuxnuuxsadeen in Shacabaka reer Xuddun ay diyaar u yihiin inay Dagaal iskaga Saaraan Maleeshiyaadka Maamulka Hargeysa hadii ay ka dhega adeygaan baaqyada loo soo jeedinayo.
Sidoo kale Odayaashan ayaa xusay in Cawaaqib xumada ka timaad Colaada Maamulka SNM ka hurinayso Degmada Xuddun uu dusha u ridan doono Horjoogaha Jabhada SNM Mr Siilaanyo.
Dhanka kalena waxa muuqda diyaargarow ay shacabka iyo Dhalinyarada Degmada Xuddun ugu jiraan sidii looga hortegi lahaa iskudayga Maamulka Siilaanyo ee ku wajahan in Doorasho ka qabsoonto Degmada Xuddun.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Degmada Xudun/Sool
Yuusuf Cabdi Xasan
Afbakaylenews@gmail.com

Waa khalad in reer xudun dad ku af gobaadsadaan iney soo weerareen oo ay afka kala laabtaan lana hadli kari waayaan ragga horgalaha u ah sida Fu’aad iyo Xuseen oo u dhashay xudun marka hore waxaan leeyahay reer xudunow ama noqda rag ka raali ah ama qabta labadaa nin , hadal wax tari maayo waana la ogaaday buuhoodle lama hadlo ee wey dagaalamaan ,laascaanood waxay ku tagtay hadal aan cidna u joojinayan.