Iskuulka Diiniga iyo Maadiga ee Ikhlaas oo Magaalada Nairobi ayaa xaflad baladhan u qabtay ardayda Baastay sanad dugsiyeedka (Sawiro)
Iskuulka cusub ee Ikhlaas oo kamida Dugsiyada Kuyaal Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa maanta wuxuu ku qabtay hoolkiisa xaflad baaladhan oo uu u qabtay arday sanadkan ku baastay Fasalada kala duduwan ee sanad dugsiyeedka, kuwaasoo u badnaa Soomaali da yar ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Dugsigan oo ka mid ah Iskuulaadka kulmiya Diiniga iyo maadiga manhajka Kenya ayaa waxaa halkaas soo xaadiray ardaydii Jaa’isooyinka la siinayey, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Waxaana aad loogu masquuday qaabka ay macalimiinta dugsigaasi ugu dedaaleen ardayda Soomlaiyeed, isla markaana uga dhiseen labada dhinac ee Diiniga iyo maadiga, ayadoo arday Dugsiyo kale laga soo waariday markeey waxba fahansiin waayeen maanta ay galeen kaalmaha sar sare ee imtixnaadka sanadkan.
Ismaaciil Dayyib oo ku hadlayey magaca maamulka Dugsiga ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka ay doonayaan inay u sii laba jibaaraan tayeynta dugsigooda, wuxuuna sheegay inay sanadkan laba jibaari doonaan dedaladooda.
iskuulkan Ikhlaas ayaa lagu bartaa maadooyinka Diiniga, sida Qur’aanka kareemka, xadiith-sta Nebiga CSW, iyo guud ahaan maadooyinka manhajka dalkan Kenya ugu tayada wanaagsan, ayadoo macalimiin heer jamacadeed ah ay wax ka dhigaan isla markaana majaraha u hayaan.
















