afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:09 am | Posted by

DEG DEG:- Xudun oo haatan dagaal kharaar ka socdo, baabuur la kala gubay iyo khasaare dhashay.

Magaalada Xudun ee Gobolka Sool waxaa haatan ka socda dagaal goor dhoweyd halkaasi ka bilowday kaasi oo u dhexeeya ciidamada Maamulka Khaatumo iyo weliba kuwa Maamulka Soomaali diidka ah ee SNM.

Dagaalka oo goor hore oo saaka ah bilowday ayaa waxaa uu yahay mid kharaar oo la isu adeegsanayo hubka cul culus sida aan wararka ku hayno,  Waxaana soo baxaya warar sheegaya in khasaare jiro.

Maamulka Soomaalidiidka ah ee SNM ayaa laga gubay labba gaari oo kuwa dagaalka ah, kuwaasi oo lagu gubay goobta dagaalka kadib hub culus oo la is dhaafsaday, sidoo kale waxaa soo baxaya warar kale.

Labba Baabuur oo nooca Ambalasta ah ayaa la soo sheegayaa in iyana loo qaaday dhanka Magaalada Caynaba halkaasi oo lagu dabiibayo, dhaawacyada soo gaaray ciidamada Soomaalidiidka ah ee SNM.

Wixii warar ah ee ka soo kordha arintaasi kala socodo Afbakayle.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “DEG DEG:- Xudun oo haatan dagaal kharaar ka socdo, baabuur la kala gubay iyo khasaare dhashay.”

  1. qoriyo
    November 28, 2012 - 12:20 pm

    waar illahay idin madhi oo shuf dhaha ee xumaanta iyo dagaal iyo balaayo sheegnimada iska daaya

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM