Kooxda Al-Qacidada Soomaaliya oo shirqool ku tilmaantay Maamul u sameynta Kismaayo ee IGAD.
Kismaayo(CNA) Ururka Al-Shabaab ayaa ku tilmaamay maamul usameynta Jubbooyinka mid shirqool ah oo ay wadaan Urur Gobaleedka IGAD.
Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalada Jubbooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfi oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqa maamul usameynta Jubbooyinka uu yahay mid lagu dhibaateynayo shacabka.
Wuxuu sheegay in Magaalada Kismaayo la isugu geeyay odayaal dhaqameedyo badan kuwaasi oo ku howlan maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo sida uu tilmaamayna ay hormuud uyihiin arintaasi IGAD.
Al-Shabaab oo dhawaan lagala wareegay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose aheydna ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee Shabaab daqliga kaga soo xaroon jiray ayaa hada waxa ay si aad ah uga biyo diidsan yihiin in maamul loo sameeyo Jubbooyinka iyo Gedo.
Ka sokoow Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo hada waxaa jiro dhaqdhaqaaqyo maamul loogu sameynayo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay wadaan Urur Gobaleedka IGAD iyo Dowladda Soomaaliya.