afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:00 pm | Posted by sool

Tix Gabay: Oo Lamagac Baxday Isma,ogeey Ujeedada Garo? (Halkan Ka Akhriso)

Waxaan Halkan Idinka Soo Gudbinaynaa Tix Gabay Ah  Oo Lamagac Baxday Isma,ogeey Ujeedada Garo ? Gabaygan Waxaa Curisay Abwaanada Udhalatay Deegaanada kHaatumo State Of Soomaaliya  Caasha Luul Cumar Iyadoona Tixdan Gabay Ugu Talagashay Dadka Iyagu Daba Dhilifka Uah Maamulka Snm Ee Hargayso Sidoo Kalena Kudhiiri Galinaysa Shacabka Khaatumo State Sidii Ay Usoo Ceshan Lahaayeen Deegaanadooda, Abwaanadu Waxaa Kaloo Ay Gabaygan Ku Halqabsay Ololaha Ay Maamulka Snm Kawadaan Goboladan Iyo Waliba Dadka Udhashay Mandiqadan Ee Ubadan Dhalinyarada Ee Iyagu Uolalaynaya Maamulkaas Isla Markaana Sharaftoodii Dhaafsaday Shilimo Ay Ka Qaadanayaan Maamulkaasi Hadaba Iyadoo Abwaandu Kaxun Arimahaas Ayaa Waxay Soo Saartay Gabaygan Ee Aan Eegno Bal.

 

1: Alifaada Suugaan Waa Mid Aan Abid Dhamaankarine
2: Hide Eebe Weeye Ma Aha Aayar Sooguro,e
3: Ana Manta Waxa Aan Hayaa Ereyo Waaawayne,e
4: Wax Iololshay Mooyee Koley Aamus Laydiidye
5: Waan AdkaySan Jiray Maantase Uurka Soodhaafye
6: Ila Eega Waxa Aan Kaidhi Arimahaa Jira
7: Afka kama Amaanaayo Wixii Uurku Necebyahaye
8: Kuma Rabo Ninkii Aan Lahaa Umatumeen Sacabe
9: Oraahdayda Ayaa Iigaroon Xoolaha Aduuune
10: Iligtayda Maandhafsadeen Ehelkay Layntiise
11: Umadaydu Sharaftay Lahayd Kuma Israafeene
12: Ilaahbaa Irsiqa Qoray AdooAaan Ifkaba Imane
13: Iimaanli  Hadii Lagudhintana Aakhiraa Darane
14: Ololey Yidhaahdeen Intay Belo Alooseene 
15: Ujeedadan Qarsoon Maydaan Garan Aafo Inay Tahaye
16: Isagaanba Rabin Inaad Heshaan Aayatiin Wacane
17: Sidaad Udaba Ordaysaana Uumiyuhu Yaabye
18: Indhihiina Kalafura Dhalinyaro Waad Ambanaysaane

19: Afartaasi Waa Eedaad Fasheen Iyo Aragti Aan Qabo,e
20: Afarkalana Aan Dhaho wWa dDgniin Adage

21: Arligaygan Dhacan Iyo Dadkan Ay Ilmadu Qoysay
22: Ishaan Kala Socdaa Oo Waan Arkaa Kiina Aayira,e
23: Mailaawayee Shacabka Waan U,aargudi,e
24: Waa Waxaan Hurdada Uga Tagee Ayda Ugujiro,ee
25: Midkii Uurka Naga Buuxsadoow Waa Aaxo Kugu Maqane
26: Albaabkiisa Kii Gadanayoow Waad Is Mo Ogtaha, e
27: Ayaan Kale Ayaad Garan Inaad Arami Ruugaysaye
28: Imtixan Waxaa Mara Midaan Eebe Caasiyi, e
29: Ibtilada Ninkii Keena Baa Aayar Laga Goyne
30: Iblays Baa Irdhada Kuugu Wacan Amaro Shaydane 
31: Is la Baatihiin Aan Ogayn Halkay Arini Joogtaa,e
32: Isma Oga inay Ka Ambadeen Iridi Toosnayde
33: Alaahu Akbareey Dhuuniqaatuhu Waana Waa Ambanayaa,e
34: Ilaahay Ka Baqa Aadmigana Waa Laga Xishoodaa,e

34: Afartaasi Waa Eedaad Fasheen Iyo Aragti Waayeele
35: Afarkalana Aan Dhaho Waa Aragtidaydiiye

36: Inkastoo Midkii Erinlaha Uu Amaansaday
37: Aqalkaaga Kii Kugu Qabsada Ee Ubadka Laynaaya
38: Adigaan Aduuunyaba Kahayn Hadii Aad Abhido Waayo
39: Hadii Aanu Aagaaga Dayn Waala Edebsha, e
40: Ifisaa Indhaha Laga Gashaa Aake Iyo Suuge
41: Axdiistay Kutaala Iyo Aaayada Quraane

42: Afartaasi Waa Arima Jira Iyo Aragti Waayeele
43: Afarkalana Aan Dhaho Iyo Afeef Aniga Iigaara

44: Midka Aragtidheer Iyo Intii Alifta Suugaanta 
45: Waad Aragtaan Xaajadu Halkay Iinkaleedahaye
46: Ana Aamusdiiday Ama Inaan Olole Raacaa e
47: Afkaygaan Adeegsaday Markii Umal Idaywaayey
48: Tolkan Kala Irdhoobaan Rabaa Inuu Israacaa,e 
49: Gacmaha Is Qabsadaan Leeyahay laydin Kala Eri,e
50: Eeboow Adigu Soo Hadee Aadamahan Leexsane

Abwaanada :  (Caasha Luul Cumar)

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM