War Degdega..Dagaal ayaa ka bilaabmay degmadda Xuddun
Dagaal xoogan oo laysu adeegsanoyo hubka waaweyn ayaa ka bilaabmay degmada Xuddun oo 83KM. magalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Dagaalkan oo bilaabmay 7:46 daqiiqo saacada bariga afrika, sida uu u sheegay Barkulan Axmed Cali Faarax oo ah suxufi ku sugan halkaas, waxana uu dagaalku ka bilaabmay laba goobood ayuu raaciyey oo kala ah Cadweyn oo koonfur Bari BKm kaga beegan iyo Gobley oo 5Km Bari kaga aadan degmadda Xudun.
Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada Maamulka Somaliland iyo Ciidamada Maamulka Khaatumo oo dhowaanahanba isku horfadhiyey degmada Xuddun degaano ka mid ah.
Dadweynaha ku nool magaaladda Xudun ayaa isu soo baxay iyagoo dhawraya saanta dagaal waxna iska weydiinaya, waxana uu Axmed sheegay inaanay jirin weli wax qax ah oo ka bilaabmay balse waxa ay dadku eegayaan qaabka saamayneed ee ay yeelato.
wixii ka soo kordha la soco