afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:47 am | Posted by

Khasaaraha dagaalkii Xudun ee saaka oo sii kordhay iyo Soomaaliland oo laga qabsaday baabuur Nooca Beebaha ah.

Duleedka Magaalada xun ee Gobolka Xudun ee Gobolka Sool waxaa ka socda dagaal xoog leh oo u dhexeeya ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Maamulka Khaatumo, waxaana haatan soo baxaya warar sheegaya in uu sii kordhay khasaaraha labbada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno Magaalada Xudun ayaa sheegaya in uu dagaalku ka socdo Afar jiidood oo ka tirsan duleedka Magaaladaasi, waxaana khasaare lixaad leh la gaarsiiyey ciidamada Maamulka Soomaaliland ee dagaalka soo qaaday.

Labba Baabuur ayaa la gubay, sidoo kale waxaa la sheegayaa in laga qabsaday hal baabuur oo nooca Beebaha loo yaqaan ah, docda kale waxaa soo baxaya in uu soo gaaray khasaare lixaad leh oo dhaawac, kadib markii la shaaciyey in baabuur dhawac ah loo qaaday dhanka Caynaba.

Dagaalka ayaa weli socda, waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu khasaare dhaawac jiro dhanka Khaatumo balse weli wararka xaqiiqada rasmiga ah ee duleedka Xudun ka socda ma aysan soo bixin marka lga reebo wararkaasi horudhaca ah.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM