Daawo;-Masuuliyiinta (Maakhir State) Oo Digniin culus udiray Maamulada Hargeisa & Garoowe (Video)
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Maakhir State oo socdaal siyaasadeed ku maraya dalka Koonfur Africa Eng Maxamed Sheekh Cabdulaahi oo warbaahinta kula hadlayey Magaalo xeebeedka Cape Town ayaa ka hadlay degaanada ay ka tiliyaan maamulka Maakhir State iyo duulaano lagu soo qaaday shacabka ku nool degaanadasi.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa fariin cad u diray Maamulada ka taliya Puntland iyo Somaliland oo fara gelin ku haaya hanaan socodka degaanada ay ka taliyaan, kuwaasi oo ku been abuurtay isagoo caalamka u cadeeyey in aysan joogin wax loogu yeero Argagixiso isla markana ay tahay degaanadasi meelo nabdoon ay degan yihiin bulsho hormar ka sameeyey nabadeynta iyo kala danbeynta deegaankooda.
Sidoo kale wuxuu baaq u diray dowlada Soomaaliya isagoo ugu baaqan in ay soo farageliso arintaani oo uu ku tilmaamay galdaro cad oo geed looga ganban.
Haddaba Hoos ka daawo Shirka Jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne ku xigeenka Maaqir Stare oo ah Maqal iyo Muuqaal.
