afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:19 am | Posted by

Deegaanka Xudun Oo Laga Cabsi Qabo in markale Uu Halkaasi Dagaal Ka Qarxo(Warbxin)

Waxaa Dagan Xaalada Magaalada Xudun ee Gobolka Sool oo Shalay iyo Doraad uu dagaal Kharaar Ku dhexmatay Ciidamada Maamulka khaatumo iyo Maleeshiyaadka SNM ee Sida xaqdarada ah ugu sooduulay Deegaanka khaatumo.

Dagaalkan ayaa ahaa mid hubka noodayadiisa kala gadisan Laysu Adeegsanayay Oo Labo Maalmood kasoconayay Duleedka degmada xudun ayaa Waxaa Khasaare Balaadhan uu kasoo Gaadhay Ciidamada Maleshiyaadka SNM, Kuwasoo lagaga Gubay Gadiid Dagaal halka gawaadhi Nooca Dagaalka Ah Lagaga Qabsaday.

Inkastoo ay Maanta deegaanka Lagu dagaalamay Ay ka jirto xaalada Deganaasho ayaa Waxaa laga Cabsi Qabaa In markale uu halkaasi Ka Qarxo Dagaal U Dhaxeeya Melshiyaadka SNM Iyo Mujaahidiinta Khaatumo Maadaama ay labada Ciidan ay isku dhow yihiin Oo aanay Wax sidaas ukala Fogayn.

Isku soowada Duuboo Dagaalkii Shalay iyo Doraad ayaa Ahaa Mid Dhirbaaxo lama ilaawaan ah ay kala kulmeen Ciidamada Maamulka Siilaanyo, Iyagoo halkaas ka qaatay dhaawac aad Utiro badan iyo Waliba Dhimasho badan.

Dhankale Ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa Balan qaaday inaanay cadwogu kuladi doonin inta taako kamid ah dhulka khaatumo ay ciidamada Maamulka Beesha Isaaq ay ku jiraan, ayna Markastaa Sidaas Oo kale ugu Jabayaan.

Xasiifka Shabkada Afbakayle.com

Laascaanood/sool

Fu,aad Karaama Jama

Afbakaylenews@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM