Bisha Cas Ee Gobolka Sool Oo Qabatay Maalinta H.I.V Aids-ka (Vedio)
Maanta ayaa waxa ay ku beegneyd Koowda December waxaana maanta oo kale caalamka laga xusaa maalinta cudurka dilaaga ah ee H.I.V Aids kaas oo munaasabado looga hadlaayay dhibaatadiisa iyo ka hortagiisa ay ka dhaceyn magaalada Muqdisho.
Waxaana ka kasoo qeyb galay munaasabadaan lagu xusaayay maalinta cudurka dilaaga ah H.I.V Aids mas’uuliyin ka tirsan Hay’adaha Ing oo yada ka howlgala dalka Soomaaliya iyo qar ka tirsab Baarlamaanka Soomaaliya, dhaqaatiir iyo dadka la xanuunsanaya xiligan cudurka H.I.V Aids-ka ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Muqdisho.
Ugu horentii waxa hadalkooban ka jeediyey gudoomiyaha gudiga kahortaga koonfurta iyo bartaha Soomaaliya ee cudurka H.I.V Aids-ka Axmed Maxamed Jimcaale waxuuna sheegey inay jiraan xiligan dad uu asiibay cudurkan islamarkaana ku dhibateysan Dalka Soomaaliya gaar ahan magaalada Muqdisho oo an heysan wax kalma ah oo la xiriira daaweynta cudurka ay qabaan.
Waxuuna dadka shacabkaa ee Soomaaliyeed ugu baaqay in lacaawiyo oo lagarab istaago dad la ildaran cudurkaan halista ah ee H.I.V Aids.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi kahadlay Dr C/risaaq Yuusuf oo u hadley wasarada Caafimadka Xukumada Soomaaliya waxuuna sharaxad dheer ka bixiyay siyaaboyinka looga hortagi karo cudurka H.I.V Aids-ka.
Waxuuna sheegay in looga hortagi karo in laga fogaado galmoodka shacri darada ah ama xaaranta ah inaan la isticmaalin dhar uu ku dhidiyay qof qaba cudurkaan iyo kuwa kalo oo aad u badan ayuu halkaasi ka sheegay Dr C/risaaq Yuusuf.
Munaasabadan maanta lagu xusayey maalinta cudurka dilaaga ah ayaa waxa so qaban qabisey hay’ada ka hortaga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee cudurka H.I.V Aids-ka. halka hoose ka daawo