(Daawo Sawiro) Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Buuhooodle Oo Lasoo Gaadhsiiyey Qalabka Lagu Dhiso Garoomada Diyaaradaha
Garoonka diyaaradaha ee Magaalada ayaa waxaa maanta lasoo gaadhsiiyey qaar kamid ah qalabka lagaga shaqeeyo garoomada diyaaradaha kaas oo ah ruglayda lagu simo guud ahaanba jayga iyo ciida garoomada, waxaana qalabkani garoonka diyaaradaha diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle soo gaadhsiiyey mulkiilayaasha shirkadda dhismaha ee Mataanaha oo ka jira Deegaanada is maamulka soomaali itoobiya kana soo jeeda Deegaanka Buuhoodle. Hadaba qalabkabi maanta soo gaadhay garoonka diyaaradah ee Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ka warbixiyey cida soo diray iyo hawsha lagu qaban doonaba Ibraahim Saleebaan Xaaji Dayib oo kamid ah hawl wadeenada shirkadda Mataanaha kana mid ah mas’uuliyiinta maanta soo gaadhsiiyey qalabkani garoonka diyaaradah ee Magaalada Buuhoodle.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Axmed Cabdi Guray oo kamid ah hawl wadeenada garoonka diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle iyo Xasan Cabdi Goor- gaab oo kamid ah dhalinyarada gobolka cayn, iyagoona geestooda si weyn u soo dhoweeyey qalabkani.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Isku soo waduuboo qalabkani ayaa la rajayanayaa inuu wax badan ka qaban doono dhibooyinkii baahsanaa ee hore uga jiray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle oo xiliyada qaar ay dhici jirtay in la waayo qalab wax lagaga qabto oo lagu hagaajiyo garoonka.
maxamed cali bile maxamed wardi
buuhoodle





