afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:19 pm | Posted by moha

(Daawo Sawiro) Qaar Kamid Qurba Joogta Kasoo Jeeda Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn Oo Booqday Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Magaalada Buuhoodle

Qaar kamid ah qurba joogta kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn ee ku sugan Magaalada Buuhoodle ayaa maanta booqasho ku tagay Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle, iyadoona qurba joogta ay halkaasi xaflad heersaraa ugu sameeyeen Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali, qaar kamid xubnaha Bard-ka Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle.

Hadaba intii qurba joogtani ay ku sugnaayeen gudaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay indha indhayn buuxda kusoo sameeyeen qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadu, iyagoona si weyn u soo dhoweeyey horumarka balaadhan ee ay ku talaabsatay Jaamacadu mudadii ay ka furnayd gudaha Magaalada Buuhoodle.
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali oo ugu horeynba halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey marxalidihii kala duwanaa ee ay soo martay Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle iyo halka ay haatan marayso.

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay qaar kamid ah qurba joogta ku sugan Magaalada Buuhoodle ee maanta booqashada ku tagay Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle, iyagoona geestooda si weyn u soo dhoweeyey horumarka dhanka waxbarashada ah ee ay ku talaabsatay Jaamacadu.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Si kastaba ha ahaatee 4- tii bishii 10-aad ayey ahayd markii xaflad balaadhan oo lagu daah furayey Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle ay ka dhacday isla xarunta Jaamacada taas oo ay kasoo qayb galeen wufuud ka kala socota Jaamacada ku yaala Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Laascaanood iyo maamulayaasha dugsiyada kala duwan ee yaala deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn, iyadoona 23-kii bishii 10 ay booqasho tan lamid ah ku tageen qaar kamida isimada deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle oo ah Jaamacadii ugu horaysay ee guud ahaanba laga hirgaliyo gobolka cayn gaar ahaan Magaalada Buuhoodle.

maxamed cali maxamed wardi

buuhoodle

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM