afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:55 pm | Posted by

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo u durbaan tumaya in uu Dalka Soomaaliya labo u kala jaro ( xog xaasaasi ah)

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa aqbalay in 10 sanadood ay daakhilay qaadato Maamulka Somaliland si ay u fududaato in isfahan laga gaadho wada hadaladii uu bilaamay Madaxweyne Shiikh shariif ka dib xidhiidh dhinacyadda Telenoofadda iyo Emailadda ah oo ay is dhaafsadeen Madaxweyne Guurguurte, Somaliland iyo Qaramadda Midoobay

Ilo  Wareedyo Muhiim ah ayaa Allssc u sheegay in Madaxweyne Guurguurto uu aqbalay in 10 sano ay Somaliland qaadato Daakhilay ka dibna cod laga qaado dadweynaha dagan Waqooyiga Soomaaliya hadii  ay go’i lahaayeen iyo in ay Somaliweyn ka mid noqonayaan, Daakhilaydda ay qaadanayso Somaliland ayaa ah in ay u madax-banantahay dhamaanba Adeegyadda Bulshadda iyo Xidhiidhyadda Ganacsi balse Siyaasadda ahaan uun ay u hoos tagayso Dawladda Xamar

wajiga labaad ee  Wada hadaladda Xukuumadda Xamar iyo Maamulka Hargaysa ayaa la filayaa in uu ka furmayo London bisha Janaayo 2013  inkasta oo wax yaabaha looga hadlayo shirkaas lagu dhameeyey qaybaha kale duwan ee Xidhiidhyadda Emailadda iyo Telefoonadda oo ay wada yeesheen Madaxdda DF, Somaliland iyo Qaramadda midoobay oo gar wadeenka ah wada hadaladaas

waxaana todobaad ka hor Dubai ku kulmay Faarax Cabdiqaadir Faarax Sakiin iyo Mas’uul ka tirsan Somaliland kas oo aan magaciisa weyne balse waxa ay labadan mas’uul ka wada hadleen qaabkiia y u balaaman lahaayeen wada hadaladda danbe isla markaasna go’aamadda laba taabtanka ah ee labadda dhinac kala wataan inkasta oo aan wali la hubin in Faarax Sakiin ka mid yahay Gudidda wada hadalka wajiga labaad

wajiga labaad ee wada hadaladda ayaa la filaaya in ay ka dhex muuqdaan Shakhsiyaad ka soo jeeda beelaha Dhulbahante, Warsangali iyo Samaroon balse u shaqaynaya Beesha Isaaq kuwaas oo mansabyo sar  sare loo soo dhiibayo waxanaa arintaas si weyn u wada Olalena ugu  jira Siyaasiyiin iyo Ganacsato Beesha Isaaq waxa kale oo Madaxweyne Guurguurto uu ogaaladay in dhinac Soomaaliya ay wada hadalaas u matali donaan Gudoomiyaah Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaahiri,Wasiirka Arimaha Gudaha, Cabdiqaadir Cosoble iyo labo qof oo laga raadinayo beelaha Koonfureed sida uu Allssc u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Guurguurto waxaana uu sarkaankan noo sheegay in ay suurtogal tahay in Gudidda Madaxweynuhu uu magacaabayo aysan ku jiran cid ka soo jeeda guud ahaanba Beesha Daarood

inkasta oo hadda ay fursad haystaan bulshadda degta Waqooyiga Soomaaliya ee aan iyagu ku jirin wada hadalaas iyo habka Siyaasadeed taas oo ah in ay si cad codkooda caalamka iyo Madaxdda Dawladda Fedraalka ugu gudbiyaan balse hadii la gaadho xiliga wada hadaladda wajiga labaad waxaa xaalku noqonayaa shinbirayo Heesa

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo u durbaan tumaya in uu Dalka Soomaaliya labo u kala jaro ( xog xaasaasi ah)”

  1. oday
    December 4, 2012 - 2:20 pm

    warkaas ma la hubaa mise waa male iyo shakiga la qabo? aniga ilama fiicna qofna inuu qoro war aanu hubin aakhirana la waydiinayo waxa ku kaliifay

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM