Wasiir Laga Naxsaday Kana Badbaaday Iskuday Dil Xili Uu Ku Wajahnaa Gobolka Sh/Hoose
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu horkacayo oo ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga ayaa maanta wadada loo galay kaan badbaaday iskuday dil xili safar dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeday magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.
Masuuliyin ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa sheegay in safarka wasiirka uu la xiriiro u kuurgelida xaaladaha amaanka iyo maamulka ee ka jira gobolka Sh/hoose iyo sida gobolkaas looga dhaqan geliyey amarkii ka soo baxay madaxweynaha ee ku aadanaa in la qaado isbaarooyinka.
Wararku waxay sheegayaan in kolonyadii uu la socday wasiirka iyo ilaaladiisa lagu weeraray degaano u dhexeeya Shalambood iyo Buufow bacaad oo u dhow magaalada Marka ka dib markii ay wadada u galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Lama oga illaa hadda khasaraaha ka dhashay dagaalkaas mana jiraan warar madax banaan oo sdheegaya sida ay halkaas wax uga dhaceen.
Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amaanka ee maamulka gobolka Sh/hoose C/salaan Axmed Cabdulle oo la socday wafdigaas ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid aan buurneyn, ayna khasaare xoogan ugu geysteen kooxihii soo weeraray, ciidamada dowladana aysan wax khasaare ah ka soo gaarin ayna nabad qab ku tageen magaalada Marka.
Ma jiro war ku saabsan weerarkaas oo ka soo baxay xoogaga Al-shabaab hase ahaatee wadada u dhexeysa magaalada Marka iyo degmada Afgooye ayaa waxaa had iyo jeer lagu weeraraa gaadiidka ay wataan madaxda iyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada, iyadoo taliyihii guutada shaanad ee ciidamada milateriga dowlada Jen. Goordan lagu dilay mid ka mid ah weeraradii ka dhacay wadada
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com