Hosgal xaabsade + Horgal kayse iyo doorkooda duulankii xudun (xog)
Iyadoo Dhawaan Duulaano Xaqdaro ah Maleeshiyada maamulka Siilaanyo ay kusoo qaadeen Deegaanka Xudun ee Gobolka Sool, Sidoo kalana Ay Cawaaqib xumo baaahsan kala Kulmeen Xoogaga Khaatumo & Shacabka Deegaankaasi.
Ayaa Waxaa Hadana Jiray Horgalayaal Magaalada Hargeisa uga Olalaynayey In Lasii wado duulaanka Maamulka Siilaanyo kuwada Deeganada Khaatumo State.
Ila wareedyo lagu kalsoon yahay kuna sugan maagalada Hargeisa oo lahadlay Boocame.com ayaa noo xaqiijiyey in ragaasi Ay Kamid Ahaayeen Horgale Axmed Cabdi Xaabsade & Horgal Kayse Cabdi Yuusuf oo labaduba ka qadhaabta maamulka Siilaanyo.
Maleeshiyada maamulka Siilaanyo ee hada kusugan Deeganada Khaatumo Ayaa nafla caariya, waxaana Horgaladan oo maamulka Siilaanyo Quus kataagan yahay hadalka ka soo yeedhay uu ka dhigan yahay ( inay doonayaan inay Xilka kaga sii hayaan maamulkaasi).
isku soo wadada duuboo Horgaladan Ayaa Ah kuwa ku caanbaxay, Bartayna sida loo xod xodoto Dhiigyacab Siilaanyo oo Jaah wareeriyay maamulka Beeshiisa (Somaliland).
Maamulka Siilaanyo & Danihiisa Guracan.
Damaca Guud ee Maamulka Siilaanyo Ayaa Ah, Xasuuq uu ka gaysto deegaanada Khaatumo State & Waliba dhulbalaadhi Ay ku caabaxday Beeshaasi, waxaan Lagaga Guulaysan Karaa Midnimo & Difaac iyo Xorayn loowada istaago.
Dhinaca Kale Dhamaan Shacabka Deeganada Khaatumo State Ayaa Looga Wada Fadhiyaa Inay Saxeexaan, Qodobka Dilka Horgalada u adeega Maamulada Hareeraha Si meesha Looga Sooro dhibaatada ragaaday ee shacabka Khaatumo State horgalayaashu ku hayaan.
(( Horgale Qabiil Maleh, Qudha baa lajarayaa, Qiimihiisu waa eber, Qowl baa inoo yaal))
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com
xaabsade soow maaha ninkii afkiisa ka yiri :siilaanyoow haddii DNA laynoo kala qaado isku mid beynu noqoneynaa ma waxaanu aqoon DNA da mise wax buu ogyahy, taasi waa mid cad haduu yiraahdo hala xasuuqo dhulbahante illeyn waa arkaa oo dhulbahante 99.9 ma rabaan Somaliland oo ah SNM ama ISAAQ taas oo ujeedadoodu tahay in la qabsado dhulbahante, markaa maxaa lagaga daalayaa. somalidu waxay tiraahdaa Nin jiidhkiisa lahayaa jidiinka kama qoslo, taas oo aan uga jeedo jiidh baan kuugu ool taas oo uu caddeeyey.markaa waxaa fiican in aan lagu daalin.