Maxaad Kala Socotay Halka Uu Dambeeyey Shirkii Jaaliyada Khaatumo State Ee Wadanka Imaaraadka Carabta Iyo Go’aamadii Kasoo Baxay?
Waxaa shir balaadhan isugu yimi 1/12/2012 jaaliyada Khaatumo ee Imaaradka, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira rag iyo dumarba ka kooban aqoon yahano, siyaasiyiin, culimaa’udiin iyo wax garad.
Ujeedada shirkani waxay aheyd in lagu falanqeeyo xaaladaha ka soo cusboonaadey deeganada ay maamusho maammulka Khaatumo State of Somalia, waxaana shirka lagu furay aayado quraan ah oo uu aqriyey Sheikh Xuseen Xasan Mire oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deeganka Khaatumo.
Jaaliyaddu waxay ka hadashay ku soo duulitaanka Maamulka Somalidiidka ee uu hogaamiynaayo dagaal ooge Siilanyo dhulka reer khaatumo siiba magaalada Xudun iyo Hareeraheeda. Dagaal ooge Siilanyo wuxuu 28 illaa 29 bishaan uu ka gaystay dagaal xasuuq ah ummad aan waxba galabsan oo guryahooda si nabad gelyo ah ugu nool, waxaana illaahey mahadiis ah, in ciidamada Khaatumo oo soomajeestayasha ah ay u babac dhigeen kuwa ku soo duuley ee waday dhul balaarsiga halkaas oo qowleysatadii la barey cashar lama ilaawaan ah iyaka oo 29 ilaa 30 november kala kulmey khasaare baahsan oo aysan ilaawi kareyn.
Dadkii Goobta ka Hadley Oday ka mid ah odayaasha khaatumo oo lagu magacaabo Cabdi Magan, Mudane Cabdi Magan waxa uu sheegey in maanta loo baahanyahey in umada Khaatumo ay u midoobaan cadowgooda doonaya in dhulka Khaatumo xoog kula wareegaan isla markaana u howl gala in walaalahooda ku nool degmada Xudun iyo dhamaan gobolada Khaatumo si wada jir ah loogu guntado sidii dadaal dheeri ah oo lagu taageerayo loogu howl geli lahaa.
Waxa uuna codsadey in muruq iyo maskaxba la isu geeyo. Waxaa isna hadalka lagu soo dhaweeyey odey Ibraahin Abyan oo isna goobta ka sheegey in reer Imaaraad sidii lagu yiqiin caadadana u ahaan jirtey, in xaaladaas ka taagan degmada Xudun ay noqon doonto meeshii halganka caasimadda gobolka Sool uu ka soo bilaami doono ayna noqon doonto Kalshaalihii labaad waana in laga hortagaa kuwa ka soo duuley gobolada Waqooyi galbeed iyo Togdheer, waxa uuna Odey Ibraahim ka codsadey ummada Khaatumo in ay go’aan cad ka qaataan kuwa horgalayaasha ah ee la socda cadowga S.N.M.waxa uuna cadeeyey in nin kasto oo la socda cadowga in loo aqoonsado in uu la mid yahey cadowga.
GO’AAMADII SHIRKA
- Waxa ay jaaliyada Khaatumo ay si wada jir ah u cambaareeyeen maamulka S.N.M. ee xasuuqa ka geystey degmada Xudun.
- Jaaliyadu Imaaraadku waxa ay baaq u direysaa Dowlada Federaalka ee Soomaaliya in ay mowqif cad ka qaadato dhibaatooyinka mudada dheer ka taagnaa gobolada iyada oo looga fadhiyo wax qabad deg deg ah, waayo umada Khaatumo wax ay aaminsan yihiin qaranimada iyo midnimada umada Soomaaliyeed kuwa maamulka siilaanyona waa kuwa xasuuq u geystey ilaa 1988 umada soomaaliyeed oo jecel midnimada.
- Jaaliyada Khaatumo ee Imaaraadku waxa ay hambalyo iyo Bogaadin u direysaa Garaadka beesha Cali Geri Axmed GARAAD : Garaad CABDILAAHI GARAAD SOOFE iyo dhamaan beesha reer Cali Geri Go’aamadii ka soo baxey shirkii ay ku yeesheen magaalada Buuhoodle kaas oo ahaa mid ku dayasho mudan waxa ayna codsadeen in beelaha dega gobolada Khaatumo ay la qaataan go’aamadaa kuwa la mid ah.
- Jaaliyadu waxa ay ku baaqeysaa in Isimada beelaha kale ee Khaatumo ay iyaguna ku dhawaaqaan in qofkii horgal u ah ama gacan saar la leh maamulka S.N.M.in uu yahey mid la mid ah cadowga ku soo duuley ciida iyo calanka soomaaliyeed waana in wax naxariisa aan loo gelin cod kastana ay fasax u tahey wixii soo gaadha.
- Jaaliyadda Khaatumo waxa ay ka codsaneysaa in dad weynaha kale ee ku nool wadamada dibada ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan walaalahooda cadowgu dul joogo ee ku soo doontey guryahooda.
- Jaaliyadu waxa ay ugu baaqeysaa ciidamada Khaatumo ee safka hore ku jira in ay u dhabar adeygaan difaaca dadkooda iyo dalkooda hana ogaadeen in ay tahey waajib diini ah in la iska celiyo kuwa ku soo doontey guryahooda ee u diidan in ay u noolaadan sida caalamku u noolyahey ay u nooladaan, gardaradaasi waa mid u baneynaysa qofkasta inuu difaaco gurigiisa, caarkiisa, hantidiisa, iyo maatadiisaba.
- Jaaliyada imaaraadku wax uu shirkaasi ku sheegeen in hiil iyo hooba isla garab taagayaan walaalahooda, shirkaas waxa uu ku soo gabagaboobey jawi aad u heer sareeya.
Ugu danbeyntii waxaa shirkaas oo gunnaanadey Eng. Cali Xaaji Cigeh, oo xasuusiyey dhamaan ummada khaatumo iney illaashaan midnimada iyo difaaca dalka iyo dadka.
NINKII DHOOF KU YIMID BAA GEERIDU DHIBEYSAA WAQTIGII DHAMAAYOO WUU DHAQAAQI DOONAA…….
Rashiid Faarax Diiriye
Afhayeenka Jaaliyada Khaatumo State ee Wadanka Imaaraadka Carabta
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Imaraadka carabta
Afbakaylenews@gmail.com
MANSHA ALLAH
Reer imaaraad waa jaaliyad kudayasho mudan oo saf hore kaga jirta reer Khaatumo. waa in lagu daydaa oo aan shir iyo xaflad dambe la qaban ee ay
ahaataa
‘HADAL YAR IYO HAWL BADAN’.
maanta waa in laga xoroobo wixii soo jiitamayey 22 sanno oo Khaatumo ay
si buuxda dhulkeeda isugu taagto dhinac horumarineed iyo xorayn intaba,
waa in aynu la tartano dadyowga kale ee soomaaliyeed ee dhulkoodii dhistay
Maaha in aynu sodomeeyo calooshood u shaqaystayaal ah u rahmanaano oo
ay ina duleeyaan. iagaa duloobay ee aan horgalayaasha meel uga soo wada jeesano.