Warbixin:Dagaalka Xudun oo Soo dedejinaya Xoreynta magaalo madaxda Khaatumo State ee Laascaanood.
Xaalada Xuddun iyo Saadaasha Dagaalka Khaatumo Vs SNM (Ma laga Yaabaa Dagaalka Xuddun in uu Soo Dedejiyo Xoreynta Laaska)
Dagaal Shacabka reer Xuddun ku Magacaabeen Raaxeeye oo laba Maalmood oo isdaba joog ah ka dhacay Degmada Xuddun , waxa Dhab ahaan lagu tilmaami karaa in Magaca reer Xuddun u heleen uu ka tarjumayo sida uu Dagaalkaasi u nooleeyey Mooraalka iyo Niyada Shacabka Reer Khaatumo.
Waxa lagu tilmaami karaa inuu ahaa Dagaal Dhex maray Laba Ciidan oo Hub iyo Tiraba aad u kala fog, bal aan Miisaanka Saarno Tirada Gaadiidka Dagaalka ee Maleeshiyaadka SNM kadib markaan ururiyaya dadka Aragtida ku tiriyaya intii ay geediga kusoo ahaayeen Degmada Xuddun.
Tirada qoryaha Lidka Diyaaradaha ee Maleeshiyaadka SNM ayaa inta la arkay dhamaa 20 gaadhi oo nooca Suuga loo yaqaan ah,15 gaadhi oo qoriga Shilkaha loo yaqaan uu saarnaa,
17 gaadhi oo kuwa jiibka loo yaqaan ah una kala baxa B9 iyo B10, 7 gaadhi oo Gaadiidka qafilan ee BB,ga loo yaqaan,laba madaafiicda Goobta ah ee D30 ka loo yaqaan iyo weliba ugu yaraan 35 Gaadhi oo nooca Dheereya ee 3F iyo 4F isugu jira oo qoryaha Dhashiikaha iyo Shilkayaasha xanbaarsan.
Tirada maleeshiyaadka lugta qoryaha fudud iyo Boobayaasha Culusba wata oo isugu jira Ciidan tababaran iyo Maleeshiyaad Maryo calas ah oo laga soo ururiyey Deegaanada caynaba, Bohol, Ceel afweyn Garadag ilaa iyo ceerigaabo ayaa qiyaasta il ku cabirka dhamaa ilaa iyo 1000 nin.
hadaba Ciidamada Maamulka Khaatumo oo garabsanaya Guud ahaanba Shacabka Deegaanada Khaatumo ee Dhalasho iyo Dhiig wadaagta ahi waxa ay Maleeshiyaadka SNM ee Mudada 20ka sanno ah diyaargarowga iyo Hub urursigaba ku jiray u dhigeen Cashar naqtiin ama ku Celis ah oo lagu Xasuusinayo Duruus hore loogu dhigay Dugsiga Dagaalka ee Kalshaale oo ay u muuqato inay ilaaween .
warar laga Helayo Hogaanka Dagaalka ee SNM ayaa Xaqiijinaya in weji gabax weyn ay ku tahay wax ay ugu Yeedhi Jireen Ciidamada Qaranka in Khasaaraha labada Maalmood ee dagaalku uu ilaa iyo xadkaasi cuslaado, waxana Sarkaalkii ugu sareeyey Ciidamada Jiida Xuddun ka jooga SNM uu ku dacwiyayaa in Ciidankiisa loosoo Dhuuntay xili ayyaraysanayeen ama Quudhsanayeen Tamarta Ciidamada Maamulka Khaatumo oo iyagu Maalin qudha ah ku Diyaargarooba marka uu dhaco siidhiga Colaada iyo Dagaalku.
Degmada Xuddun Xiligan waa ay degentahay waxana ay diyaar garow ugu jiraan Dagaal labaad oo markale Sas iyo Dhabar jeedinba ku rida Maleeshiyada Doolka ah ee gardarada ku yimid Xuddun Iyo Xuduntii Maamulka iyo Shacabka reer Khaatumo.
waxa jira Diyaar garow aan qiyaas lahayn oo loogu jiro sidii Xuddun iyo Meelo kaleba looga safayn lahaa maleeshiyaadka Muquuniska iyo Jujuubka lagu soo ururiyey ee SNM.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/sool
Afbakaylenews@gmail.com
arya arya arya huunada iyo yamyamta iyo qadaad waynta waa is naqanaye walag furan jiray indhahodoo shan ah imisaynu kalshale iyo hagogane kaga gub nay ama kaqabsanay oo saxafada laga dawaday walee tadanba daran guul khaatumo state iyo ciidamada xadh u dirirka ah guuuul guuuul
Mansha allah ilahayaw khatumo khayr badan sii aamin insha allah
walee snm waa loosoo dhigtay waxaan ku istaadha farayskaygii dhoodi meer eee aan ku gumaysan jiraay berii
guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuullllllllllllllllllllllllllllllll khatumo sidaas baa oo baahan yahay jeebiya SNM doofarada