afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:04 pm | Posted by

Aqoonyahanka soo jeeda deeganada Khaatumo oo lagu wado in loo magacaabo Safiirka Somalia ee dalka China.

Warar lagu kalson yahay oo aanu ka helayno madaxtooyada Villa Somalia, ayaa tibaaxaya in Xasan C/Raxmaan Qoordheere lagu wado in maalmahan soo socda loo magacaabo safiirka dalka Soomaaliya u fadhiyi doona magaalada Beijing dalkaasi China.

Wararku waxay sheegayaan in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud haatan go’aansaday inuu magacaabo Aqoonyahan Xasan C/raxmaan Qoordheere, oo la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha xizbigiisa ee aadka ugu dhowdhow.

Xasan C/raxmaan waa aqoonyahan dhalinyaro ah, isla markaana bartay tacliinta dhanka Diblumaasiyada iyo xidhiidhka caalamiga, wuxuu waxbarasahdiisii hoose , dhexe . sare iyo heer jamacadeedba ku soo qaatay dalka Kenya, sidoo kale wuxuu  aqoon kororsi dhanka Diblumaasiyada ah ku soo dhigtay jaamacad ku taala dalka Uganda gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Kampala.

Aqoonyahan Xasan C/raxmaan waa ganacsade , wuxuuna haatan ku sugan yahay magaalada Nairobi, mar aan wax ka weyndiinay magacaabistiisa ee dalkaasi China wuu ka gaabsaday inu ka horudhaco.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweynaya isla markaana daynayana in haatan fursad la siiyo dhalinta aqoonyahanada ah ee u heelan inay dalkooda wax u qabtaan. Waxayna madaxweynaha ugu baaqeen inuusan ka laba labayn magacaabista Aqoonyaha Xasan Qordheere. Waxay shegeen inay  u arkaan fursado lixaadleh oo ay helaan bahda aqoonyahanada ee dhalinyarada Soomaaliyeed, ayagoo u arka inuu Xasan yahay aqoonyahan, wadaniyad, daacadnimo iyo karti saaxiib u tahay isla markaana ka soo dhalaali kara xilka loo magacaabayo.

Afbaykale.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM