afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:52 pm | Posted by

Daawo Sawiro dheeraad ah Oo ah Garoonka Taleex iyo Waftidii Khaatumo ee Maanta

Garoonka Caalamiga ah ee Sayid maxamed Cabdile Xassan oo Dhowaan laga hirgeliyey Caasimada Maamulka Khaatumo ee Taleex ayaa maanta waxa soo Caga Dhigatay Diyaarad Siday Wefti Issimo iyo Wasiiro isugu Jira oo ka tirsan Maamulka Khjaatumo kuwaasi oo indhowaalaba ku maqnaa Caasimada dawlada Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho
Weftigan oo ay Hogaaminayeen Issimada Deegaanada Khaatumo oo ay kamid ahaayeen Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud Garaad Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil , Ugaas Cabdilaahi Ciise iyi Suldaan  Siciid iyo Xubno Ka socda Golaha Wasiirada Maamulka Khaatumo ayaa waxaa Si Diiran ugu Soo Dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdule Xassan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumop Maxamuud Yuusuf Jaamac Indhosheel, Xubno ka tirsan Golayaasha Xukuumada iyo Garaad Cabdisalaan Maxamed Xassan.
Garoonka Diyaaradaha  ee Taleex ayaa Duuliyaha Diyaarada Siday Weftiga Khaatumo uu ku tilmaamay Mid si heer sare ah looga Shaqeeyey.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM