Geesiyada Khaatumo Wadnahoodu Galowgiyo Ma Yaqaano Gabashada (Dhagayso Heestii Ugu Danbaysay Oo ah Wadani).
Marba marka ka danbaysa oo Jabahda SNM ay weerar gardaro ah kusoo qaado Deegaanka Khaatumo waxaa sii kordha wadaniyada iyo Geesinimada Bulshada reer Khaatumo gudo iyo dibadba. Waxaa sidoo kale Suugaanyahanada ay u dhafraan sidii ay u muujin lahaayeen una soo bandhigi lahaayeen dhacdooyinka dhabta ah, waxana ay ku cel celiyaan dhiiranaanta iyo hal adayga Bulshada Khaatumo State. Fanaaniinta Codka macaan aya aku luuqeeya heesaha Wadaniga ah oo had iyo jeer ay dadku xiiseeyaan si aadna u dhagaystaan. Bulshada Reer Khaatumo iyo muwadiniinta Somaliyeed ee jecel Midnimada Somalia ayaa aad u xiiseeya Heesaha Wadaniga ah.
Dhanka kale Jabhada SNM ayaa iyagu aysan dhagohoodu maqli karin Midnimada iyo Suugaanta Wadaniyada ah iyaga oo aad uga gubta balse jecel in lagu cel celiyo dhowr kii sano ee dalka uu ka socday Dagalada sokeeya iyo burburka kuwaas oo tusaale iyo tilmaan uqaata had iyo jeer, madama aysan Taariikh hore iyo mid danbe aysan lahayn balse ay ku cel celiyaan Wakhtigii Dagaalada sokeeya iyaga oo aad had iyo jeer ka maqlayso “Wakhtigii Faqashta” madama aysan lahayn History kale oo ay ka sheegaystaan ama dhalaankooda u sheegaan.
Marka dhankasta la eego waxaa muuqata in Reer khaatumo ay lafdhabar u yihiin Bulshada Somaliyeed una yihiin Salka ay ku taagantahay Qaranka Somalia , si buuxdana ay gaadhka uga hayaan in Somalia ay googoostaan Dad Damiirkoda uu hooseeyo oo kaliya ay u muuqato Caadifad yar oo raqiis ah.
Aan Idiin kala baxo codkii macaanaa ee Fanaaniinta Da’da yar iyo abwaaniintii qiimaha badnaa ee isku hawlay sidi Heestan Wadaniyada ah ee suugaanta ka maqnayd sidii ay suugaanta ugu soo dari lahaayeen.
Halkan kadaawo Video-ga
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com