Warar Dheeraad Ah :Xubnihii Maamulka Khaatumo Ee Lasocday Diyaaradii Maanta Kasoo Dagtay Garoonka Sayid Mohamed Abdule Hassan International Airport
Wararka Haatan Naga Soo Gaadhaya Degmada Taleex Ee Caasimada Maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya Ayaa Sheegaya In Goordhawayd Ay Soo Caga Dhigatay Diyaaradii Ugu Horaysay Ee Kasoo Dagta Garoonka Sayid Mohamed Abdule Hassan International Airport.
Mar Aanu khadka Talefoonka Aan Kula Xidhiidhnay Wariye Yuusuf Cabdi Xasan Oo Kusugan Gudaha Garoonka Ayaa Waxa Uu Noo Sheegay In Diyaaradii Waday Madax Ka Tirsan Maamulka Khaatumo,Golaha Dhaqanka Ee Khaatumo Iyo Waliba Qaar Katirsan Aqoonyahanada Udhashay Deegaanada Khaatumo.
Dhanka Kale Diyaaradan Ayaa Waxa Ay Maanta Cabaaro 11:30 Kasoo Duushay Garoonka Caalamiga Ah Ee Aadan Cade Interrnational Airport Ayaa Waxa Ay Haatan Oo Saacada Bariga Afrika Kubeegan Tahay 2:15 Daqiiqo Waxa Ay Soo Caga Dhigatay Gagida Diyaaradaha Ee Sayid Mohamed Abdule Hassan International Airport.
Sida Ay Wararku Intaas Ku Darayaan Ayaa Waxaa Lasocday Qaar Kamid Ah Xubnaha Sare Ee Golaha Dhaqanka Ee Maamulka Khaatumo Iyo Waliba Masuuliyiin Kasocota Golaha Wasiirada Maamulka Khaatumo Hadaba Waxay Kala Ahaayeen Madaxdii Diyaaradan Lasocotay Sidan Soo Socota.
Golaha Dhaqanka Khaatumo
- Garaad Saleebaan garaad maxaed
- Garaad Jaamac garaad cali
- Garaad jaamac Garaad Ismaaciil
- Ugaas C/llaahi Ciise Nuur
- Suldaan Siciid Maxaed Sanyare
Dhanka xukuumada Khaatumo
- Wasiirka Madaxtooyada Mukhtaar Ibraahim xabashi
- Wasiirka arimaha Gudaha Yaasiin Axmed Sulub
- Wasiirka amniga Maxamed Ducaale
- Afhayeenka Xukuumada Cumar Jaamac Saleebaan
Dhanka aqoonyahanka
- Dr. Maxmed Buraale Xassan
- Eng.C/llahi Axmed Cadaad