afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:05 pm | Posted by

Deg Deg: Qarax Qasaaro gaystay oo goordhow ka dhacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi

War si deg deg ah inooga soo gaaraya xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in qarax xoogan  uu goordhow ka dhacay meel aan ka dheereyn garoonka diyaaradaha ciidamada cirka dalka Kenya.

Qaraxan oo lasoo sheegayo in loo adeegsaday Bambooyin ayaa ka dhacay meel aan ka dheereyn garoonka oo kuyaal xaafada ay Soomaalida kubadan tahay ee Islii gaar ahaan Section ONE.

Wariye Maaxiye oo katirsan Warqaad.com ayaa soo sheegaya in qasaaraha qaraxaas uusan ogaan karin, maadaama ay goobta isku soo gadaameen ciidamada kenya.

Hase ahaatee Wargayska Kenya kasoo baxa ee Nation ayaa dad goob joogayaal ah kasoo xigtay in qasaaraha la ogyahay uu yahay dhaawaca ilaa afar ruux.

Howlgalo balaaran ayaa ka soconaya xaafada Islii gaar ahaan Section One oo qaraxan uu goordhow oo caawa ah uu ka dhacay.

Wixii Warar ah ee kasoobaxa Qaraxaas kala soco wararkayaga Dambe insha allah

Xafiiska Sbakada Afbakayle.com

Nairobi/Kenya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM