afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:34 am | Posted by

Faah Faahin: Qasaaraha qarax Xalay ka dhacay Xaafada Islii oo sii kordhaya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xaafada Islii ee magaalada Nairobi ka dhacay xalay Fiidkii iyadoona ciidamada booliska ay qaraxas ka hadleen.

Siddeed qof ayaa ku dhaawacantay  qaraxaas ka dhacay xaafadda  islii ee magaalada Nairobi gaar ahaanna aga-gaarka guriga ay ku jiraan qalabka dhismaha waddooyinka ee xaafadda  California.

Qof goob jooge ahaa ayaa u sheegay wargayska Nation in qaruxu uu dhacay abbaaro  700:pm fiidnimo ee xalay, wuxuuna intaa ku daray in goobta uu qaruxu ka dhacay ay jirto 50 centimetres bakhaarka lagu xareeyo qalabka waddooyinka lagu dhisayo .

Dhaawacyada ayaa lageeyay isbitaalka Mother and Child ee xaafadda islii [Eastleigh] iyadoona qaar kamid ah dadka dhaawacmay xaaladooda ay aad uliidato.

Waaxda police-ka ee xaafadda ayaa sheegay in la rumaysanyahay in qaruxu uu ahaa Bambaanada gacanta laga tuuro in kastoo aysan jiri cid loo qabtay falkan ka dhacay xalay  xaafadda Islii [Eastleigh].

Balse waaxda police-ka ayaa sheegay in wali aysan caddayn waxa dhabta ah ee uu qaruxu yahay iyo waxa sababay, balse dadka qaar ka agdhawaa goobta ayaa sheegay in waxa qarxay uu ahaa Gas-ka wax lagu karsado.

Madaxa Police-ka ee Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in dhaawacyada mid kamid ah ay xaaladdiisu qatar tahay, wuxuuna intaa raaciyay in todobada kale ay xaaladduudo roontahay.

Mr Ombati yaa intaa ku daray in wali police-ku aanay u caddayn waxa ka dambeeya qaraxa .

Dadkii xalay socday waddada ka soo horjeeddo bakhaarkii uu qaruxu ka ag- dhacay ayaa hakad galay, waxaana intooda badan ay ku laabteen xaafadohooda.

Xaafadda Islii ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay qaraxyo kuwaa oo sababay dhimasho iyo dhaawcyo soo gaaray dad aan waxba galabsan .

Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii dad saaran bas lala eegtay qarax kaasoo ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya todoba ruux iyo dhaawaca intaas ka badan.

Ciidamada amaanka kenya ayaa howlgalo ka sameeyay xaafada iyadoona lasoo sheegayo in dhowr qof xabsiga la dhigay.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM