afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:37 pm | Posted by

Beesha-Samakaab Axmed Garaad, Oo Shir-weyne Ku Qabsatey Baliga Hagoogane,(Sawiro+Warbixin)

Kulan balaadhan oo maanta ka dhacay baliga taariikhiga ah ee Hagoogane, Kulan oo ay ku qabsadeen beesha Samakaa Axmed Goraad shir-weyne balaadhan.

Shir-weynahan maanta layskugu yimid baliga Hogoogane ayaa qeyb ka ah shirar in mudo ah ba ka socdey gudaha gobolka Cayn, Yadoo ay shir-kani ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimey,Yadoo shir-weynahani ahaa mid beeshu ku magacaabtey Al-bari ay markaasi beeshu ku duceysaneysay,Isla markaana ay kaga hadlayeen danahooda gaar ah u ah beesha.

Shir-weynahan maanta ka dhacay baliga Hgoogane oo ahaa bali in mudo ah dirirtu ku dhexmareysay ciidamada maamulka SNM iyo shacab-weynaha reer Buuhoodle, Ayaa maanta u muuqanayey mid si amni ah u dhacay.

Hadaba shir-weynahan beesha ”Samakaa Axmed Garaad” ku qabsatey baligan ayaa ah mid soconayay mudo dhan 14casho yadoo ay shirkan kasoo baxeen qodobo-dhowr ah oo isla markaasi anfaca dhamaanba cashabka reer Khaatumo State iyo beelaha ay wallaalaha yihiin ee deegaan wadaagtu ka dhexeyso.

Waxaana ugu horeyn madashaasi ka hadlay caaqilka beesha”Caaqil Axmed Diiriye Cabdulle’Ina Diiriye Jiinje” Yadoo qaacilku uu ka warbixiyey habsami socodka shir-ka beesha iyo sababaha ay beeshu u soo iclaamisey shir-weynahani.

Dhanka kale waxaa beesha Samakaa Axmed Garaad ayaa ah kuwo  dhawaanahanba usoo guurey baliga taariikhiga ah ee Hagoogane, Yadoo ay beeshu marisey maaga-baligani, Isla markaana si rasmi ah ay u dageen, Sidoo kalena ay geeyeen ciidan beeleedkii beesha u gaar ahaa.

Hadaba Hoos Ka Akhriso Qodobada Kasoo Baxay Shir-weynaha Beesha Samakaa Axmed Garaad Iclaamisey.

1.In beeshu ku dhaqanto shareecada Islaamka.
2.In beeshu wadashaqeyn la yeelato, Dowlada DDS ee Ethiopia ee ay qeyb ka mida beeshu degaan wadaag la leeyihiin.
3.In beeshu nabad gelyo kula noolaato beelaha walaalahood ee ay wada degaan gobolka Cayn.
4.In beeshu ka tirsan tahay lana shaqeyn doonto Dowlada Federalka Somalia, Gaar ahaan maamulkooda Khaatumo State Of Somalia.
5.In beeshu ay All-barigan ku duceysanayaan- go’aamada kasoo baxeyna ay usoo bandhigayaan beelaha reer Buuhoodle.
6.In beesha dhamaanteed ay mideeyaan kadibna ay kaga hadlayeen danahooda.
7.In beeshu sameysatey gudi, horkaca hogaanka beesha, Kana taliya danaha beesha iyo Is Afgaradka beesha.

Sikastaba ha ahaatee maaha shirkani kii ugu horeyay ee ka dhaca gudaha deegaanada gobolka Cayn,Yadoo ay ka socdaan gudaha magaalada Buuhoodle shirar dhowr ah oo ay yeelanayeen beelaha dega dhamaanba deegaanada gobolka Cayn.

Hadaba Hoos Ka Daawo Sawiradii Shirweynahii Maanta Ka Dhacay Baliga Hagoogane Ee Ay Iclaamiyeen Beesha Samakaa Axmed Garaad.

 

Xafiiska Shabakada afbakayle.com

Buuhoodle/Cayn

Afbakaylenews@gmail.com

 







Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Beesha-Samakaab Axmed Garaad, Oo Shir-weyne Ku Qabsatey Baliga Hagoogane,(Sawiro+Warbixin)”

  1. KHATUMO WAA LOO DHASHAA
    December 8, 2012 - 12:21 pm

    MANSHA ALLAH
    ILLAHAY HA IDIIN HIILIYO.
    WAA DOL JIRA.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM