afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:45 pm | Posted by

Wararkii ugu danbeeyay ee qasaaraha iyo dhimashada qaraxii caawa ka dhacay Xaafada Islii

Inta la ogyahay afar ruux ayaa geeriyootay ku dhawaad 10 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax xoogan oo caawa ka dhacay xaafada Isii ee magaalada Nairobi.

Dadka dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxaa kamid ah xildhibaanka deegaanka laga soo doorto deeganka Kaamakunji Yuusuf Xasan Cabdi.

Qaraxan ayaa ka dhacay masjidka Alhidaa hortiisa sida uu  noosheegay mid kamid ah dadkii goobtaasi joogay  halka qaraxa uu ka dhacay.

Qaraxan ayaa dhacay kadib markii laga soo baxay salaadii cishe ee caawa, waxaana xiligii qaraxa uu dhacayay la sheegay  in uu su’aalo uga jawaabayay dad shacab ah.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa guud ahaan la wareegay halka qaraxan uu ka dhacay iyagoo ka wada howlgallo balaaran oo lagu baadi goobayo kooxihii qaraxaas ka danbeeyay

Qaraxan ayaa imaanaya xili habeenkii arbacada qarax xoogan uu ka dhacay section Three isla xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM