Daawo=Video;-Issimida Dhaqanka iyo masuuliyiinta Maamulka Khaatumo ee dhowaan Soo Guryo Noqdayoo Ka warbixiyey safaradoodii shaqo.
Kulan balaadhan oo lagu qabtay Berde Khaatumo oo ah halkii lagu asaasay dawlad Goboleedka Khaatumo ayaa Maanta Issimada Dhaqanka iyo Masuuliyiintii Maamulka Khaatumo ee safarada Shaqo ku soo maraya Magaalooyinka Muqdishi, Wadamada Kenya, iyo Turkey ayaa ka warbixiyey Shaqooyinkii ay soo qabteen iyo Guud ahaanba xaalada Maamulka Khaatumo , Colaadaha kasoo Cusboonaaday degmada Xuddun iyo Mawqifka Golaha Dhaqanka iyo Masuuliyiinta Maamulka Khaatumo ee ku wajahan Colaadaasi.
Aayadaha Quraanka kariimka ee qawlka rabi iyo wacdi Diini ah oo uu ku furay Sh Axmed Nuur kadib ayaa waxa waqrbixin dheer oo ku saabsan safaradoodii shaqo ee ay ku joogeen mudada Sheer Magaalada Muqdisho iyo wadanka kenya halkaasi kasoo jeediyay wasiirka Amniga ee maamulka Khaatumo Maxamed Ducaale.oo wax badan ku dheeraaday xidhiidhka Dawlada Federaalka iyo Maamulka Khaatumo.
Ugaas cabdilaahi Ciise Nuur oo ka mid ah Golaha Dhaqanka ee maamulka Khaatumo ayaa warbixin ka bixiyey Wadamada Dibada ee ay Booqashada ku mareen iyowaxyaabihii vay kawada hadleenba.
Garaaad jaamac garaad Ismaaciil ayaa isaguna u gudbiyey Shacabka Reer Khaatumo Salaan uu Sheegay inuu uga wado madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya
Garaad saleebaan garaad maxamed iyo Suldaan Siciid Guuleed bare, garaad Jaamac Garaad Cali iyo weliba Garaad cabdisalaan Xassan Maxamed oo iyaguna Goobtaasi ka hadlay ayaa Dhamaan toodba iyagu hadalkooda diirada ku saaray Arrimaha Amniga Maamulka Khaatumo iyagoo ugu baaqay Maamulka Somaliland inuu Ciidamadiisa kala Baxo Deegaanada Khaatumo
Wasiirka Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Maamulka Khaatumo ayaa isaguna warbixin kooban oo ku saabsan Garoonka Diyaaradaha Ee Sayid Maxamed Cabdule Xassan oo afartii Bishan ay kasoo Degtay Diyaaridii ugu Horeysay waxan uu Xusay In Wasaaradiisu ay Qorshaha ugu Jirto Dhisme garoomo Diyaaradeed oo kale oo ay Yeeshaan Deegaano Kale oo Ka tirsan Dawlad Goboleedka Khaatumo State.
Ugu danbayntiina Madaxweyne Dawlad Goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel oo Soo Gebagebeeyey Shirkani ayaa kahadalay Arrimo Badan oo ay ka mid Yihiin Amniga Guud ee Maamulka Khaatumo iyo Sida ay Uga Go,antahay Masuuliyiinta Maamulka Khaatumo inay U Xoojiyaan ka mid ahaanshahooda Dawlada Federaalka…
Halkan riix oo daawo video-ga
Xafiiska shabakada afbakayle.com
Taleex/Sool
Afbakaylenews@gmail.com
ascwrwb waad ku mahadsantahey qoraalkan koben oo aad nogu soo gudbisey webka afbkeyle waan soo dhoweyneynaa in laga shiro lagan hadlo waxyabhii qabsoomey lakin in aad vido<< soo gelisid waa qalad qabiil walba waa shiraa sirtisana lam soo dhigo webka laakin waa la dul maraa si koban marka siyasad ma yeelayno hadii 2 meel istaagta waxey ka wada hadlnba la soo dhigo banaanka
cadowgeenu wuu la socanaay siyaasadeena hadii aad sidaas ku sii wadaan horumar ma gaareyno marka wax iska bedela plz plz plz