afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:34 pm | Posted by

Jaaliyada Khaatume Ee Dalalka Holland Iyo Belgum ayaa Shir ku qabsaday Magaalada AMESFORT Ee dalka Holland(Daawo+Sawiro)

Waxaa maanta shir wada tashi ah isuguyimi inta badan jaaliyadahaKhaatumo ee wadamada Nederland iyo Belgum ka shirkaas oo lagaga arinsanayey xaaladaha colaadeed ee kasoo cusboonaaday deegamada khaatumo.
shirkan oo ah mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay shacabweynaha reer khaatumo ee ku kala nool wadamada Belgemka iyo Holland shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga guud ee labada jaaliyadood ayaa waxaa ugu horaynba lagu furay aayadaha qur aanka kariimka ah.
intaas kadib ayaa waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Khadar Maxamed Cabdi dhaarte oo ka mida gudiga khaatumo ee Holland isagoo ka warbixiyey waxa loo soo abaabulay shirkan maanta oo ay muhiimadiisa koowaad ahayd sidii looga qayb qaadan lahaa hawlaha kasocda deegaamadii khaatumo oo ay kow ka tahay sidii laysula garabtaagi lahaa muruq, maal iyo maskaxba maamulka khaatumo iyo dadka kunool deegaamadii khaatumo ee cadowgu kusoo duulay loogana qayb qaadanlahaa xoreynta deegaamada sida xaqdarada ah loogu soo duulay.

ayaa wuxuu kale oo uu ku dheeraaday kana war bixiyey wixii u qabsoomay intii ay jirtay gudiga cusub ee khaatumo Holland iyo waxa ay damacsanyhiin in ay qabtaan mustaqbalka, isagoo sheegay in ay ka codsanayaan dhamaan jaaliyada reer khaatumo ee kunool wadanka Nederland in ay baraarugaan si buuxdana uga qayb qaataan sidii looga midha dhalinlahaa in aan ku guulaysano in uu si buuxda cagihiisa isugu taago maamulkeena khaatumo State of Somalia.
Muuse Aadan Cabdi [Kabtan Muuse] oo isna ka tirsan jaaliyada khaatumo ee Holland ayaa isna si aada wuxuu ugu guubaabiyey dadweynihii reer khaatumo ee goobta isugu yimi in maanta looga baahanyahay in ay si buuxda uga qaybqaataan taageerada iyo is garabtaaga maamulka khaatumo islamarkaana ayna ka lexejeclaysan wax kasta oo u suuragelinaya maamulka khaatumo in uu ku guulaysto sidii uu u xorayn lahaa dalka sida gardarada ah loogu soo duulay.

Gudoomiyaha Jaaliyada Khaatumo ee Belgumka Maxamed Cige Xasan ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin ka soo qaybgalka shirkan ka dhacay dalka Holland islamarkaana uga mahadnaqayaan Jaaliyada Khaatumo ee Holland sida ay marwalba ugu heelanyihiin sidii dalkii iyo dadkii iyo maamulka khaatumo laysu garab taagi lahaa,waxa kale oo uu sheegay gudoomiyuhu in uu ku faraxsanyahay isla markaana soo dhaweynayo shirarkii dhawaan ka dhacay Gobolka Cayn ee ay kasoo baxeen Go aamadii qiimaha lahaa shirarkaas oo ay qabsadeen qaar kamida ardaayada dega gobolka Cayn ee katirsan reer khaatumo.
Intaas kadib ayaa waxaa hadalkii qaatay Khadar Faraax Hadhi oo ka mid ahaa Jaaliyada Khaatumo ee Holland wuxuuna sheegay hadii laysku duubnaado oo la mideeyo muruqa ,maalka iyo maskaxdaba in aan hora u marayno Maamulkeena Khaatumo, islamarkaana aan kaqayb qaadankaro sidii deegaamada khaatumo looga xoraynlahaa dadka sida xaqdarada ah ugu soo duulay.

sikastaba ha ahaatee shirkan ka dhacay maanta Magaalaga Amisfort ee wadanka Holland ayaa wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyadoo si buuxda laysula qaatay sidii wax tar muuqda loo gaadhsiinlahaa maamulka khaatumo iyo weliba dhacdooyinkii u danbeeyey ee ka dhacay Xudun .

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Holland

Afbakaylenews@gmail.com

Abdirashiid Galbeedi
Nederland

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

2 Comments for “Jaaliyada Khaatume Ee Dalalka Holland Iyo Belgum ayaa Shir ku qabsaday Magaalada AMESFORT Ee dalka Holland(Daawo+Sawiro)”

  1. ukun
    December 10, 2012 - 4:03 am

    waar dadkaan samawadaan ka arkaa oon garanayaa

    Reply
  2. fardojaan
    December 13, 2012 - 3:47 am

    waar cabdilaahi gaab ama gaabow waar goormad khaatumo noqotay.waa kaftan
    waan kusalaamay inder
    waa shoodhahaagii HAKUNA

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM