Ciidamada Jamhada SNM Oo Gudaha magaalada Borama iyo Dumar iyo Caruur ay qafaasheen
Fal qarsoodi ay sameeyeen ciidamada SNM ee ka hawlgala magaalada Hargaysa ayaa xalay abaaro 9 :00 fiidnimo waxa ay gacanta kusoo dhigeen 4 dumar ah iyo wiil dhalin yar ah oo u qaadeen magaala Hargaysa oo fadhigoodu ahaa.
falgalkan ayaa ah mid laga fuliyay guri ku yaalla galbeedka magaala Borama, ciidamadaas oo sida ay dad xog ogaal ahi noo sheegeen watay baabuur baroono ah iyo xaajiyado loo maleeyay inay yihiin ciidanka RRU iyo gawaadhi la sheegay inay leeyihiin sirdoonka qaranku.
Dhacdadan ayaa saaka markii aan ka daba tegnay ,si aan wax uga ogaano ayaa waxa aan booqanay guriga uu falkaasi habeenkii xalay ka dhacay ,kaasi oo aan ugu tagnay dhawr dumar ah oo qaarkood noo sheegeen inay ehelo iyo qaraabo yihiin.
Marwo Maryan Xaashi Ugaas oo kamid ah haweenka halkaas kula kulanay ayaa iyadu noo xaqiijisay inaanay garaneyn qabashada dadkan oo ay sheegtay illaa hadda sababta ay ku mutaysteen xadhiga iyo qafaalashada nuucan ah,waxa kale oo ay noo sheegtay inay dadkaas gabadh kamid ah ay walaalo yihiin,waxaanay ka dhawaajisay magacyada dadkaas la xidhay oo kala ah.
1-Siraad Cumar xaashi
2-Layla xirsi
iyo gabadh iyadu sida ay sheegtay magaceed oo saddexan aanay hayn oo lagu magaacabo nimco,balse iyadu ahayd gabadh guriga ka shaqaynayasay iyo wiil dhalin yaro ah oo lagu magacaabo Ayaanle Xirsi Diiriye oo da’diisu tahay 21jir,oo isaga ay ku sheegtay inuu ahaa wiil xanuusanayay oo daawooyin qaadan jiray.
Mar hadaba marwo maryan xaashi Ugaas ay ka warbixisay dadkaas xagga ay ku dambeeyeen waxa ay hoosta ka xariiqday inay dad kale oo ay ehelo yihiin oo ku sugan Hargaysa ay usoo sheegeen mar ay khadka tilifoonka kulasoo xidhiidheen in ay ku xidhan yihiin xarunta sirdoonka ee Hargaysa, waxa kale oo ay sheegtay maryan xaashi in hab dhaqanka dadkaasi ay gebi ahaanba beri ka yihiin wax kastoo fal dambiyeed ah sida ay ku taqaano, ugu dambayntiina waxa ay sheegtay dadkaa in gurigoodii la baadhay oo la fatishay isla markaan waxkasta oo guriga oo mood iyo noolba ah oo guriga u yaalay aanay illaa hadda war u hayn wax ka maqan iyo wax kale.
Sikastaba ha ahaatee waxa illaa hadda ay dadweynah Borama ku nooli ay is waydiinayaan sababta keentay in ciidamada ka hawlgala caasimadda Hargaysa ay hawlgalkan ka fuliyaan magaalada Borama gudaheeda iyadoo aanay door muhiim ah ku lahayn ciidamada kala duwan ee ka hawlgala magaalada Borama.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Boorama/Awdal State
Afbakaylenews@gmail.com

Toorrida kuwii lala dhiciyo teerigii waranka
Kuwii shiihska lagu taagayee jaaha laga toogtay
Tusbax go’ay sidiisii kuwii tarabka loo laayey
Tafaariiqda nimankii guryaha lagu tadcaaraayey
Toddobaatan iyo dhawr kalaan teella loo dhigane
Waa tii ay tasoobeen sidii tiradi xoolaaye
Tumbushooda waatii la dhigay teedki Gumarroode
Daaroodka lagu taamayaa tacaddi weeyaane
Toddobaatan Geeliyo ninkii tira laxaad dhiibey
oo midab Tiriigleey arkoo tahan ku faallooday
Oo Guga aroos loo turqiyo tanafas eegaayey
oo xaajadiisii tognayd wiil ka kala tuuray
Oo gabayga loo tirinayaa tacaddi weeyaane
Quruumaha tartamayee u kacay tab iyo leexleexa
Nin waliba wixii uu tabcaday taw la soo yidhiye
Tumaal buu ahaa Muuse Dhiil taajna loo xidhaye
Waatay dhammaan taabaceen tala-xumaaliiye
Talyaaniga Triipoli haddii maalin laga taabay
Tagoogada waxaa looga xidhay tacaddi weeyaane
Tanac-tanacdu waa inan-gumeed tamaradiisiiye
Tol haddii u lee yahay waxbay tari lahaayeene
Marna haddanu dhawr tooganayn tookha haw miyine?
Tiiraanyadiisa ha qabo ee ha u tiraabina’e
Hana toosin waa gama’sanyay tuugga Habarwaaye