Daawo+Muuqaal Booliska Islii: Gaari Bas ah oo laga dhax-helay qalab laga sameeyo waxyaabaha qarxa
Gaari bas ah oo ka dhex shaqeeya magaalada Nairobi iyo magaalada Gaarisa ayaa waxaa laga dhex helay waxyaabo laga sameeyo waxyaabaha qarxa.
Gaarigan ayaa soo gaaray magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii waxaana baaritaan dheer ku sameeyay ciidamada booliska iyadoo markaas kadibna la arkay qalab laga sameeyo waxyaabaha qarxa.
Riix Halkan si aad Muuqaal ahaan udaawato waxyaabaha qarxa ee la qabtay.
Waxaa waxyaabahaas loo qabtay 3 ruux halka sidoo kale su’aalo la weydiinayo madaxda shirkada iska leh baskaas oo ka dhex shaqeeya Gaarisa iyo Magaalada Nairobi.
Qabashada waxyaabahan qarxa ayaa kusoo aadaya xili howlgallo balaaran ay ciidamada Kenya ka wadaan xaafada Islii taas oo ka danbaysay qaraxyo iyo falal kale oo amaanka kadhan ah.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com