Arsene Wenger: Ciyaartoydeyda Qalad Kuma Lahan Dadaalkooda Guuldaradii Xalay Ee Bradford.
Arsene Wenger ayaa sheegay inaysan ciyaartoyda Arsenal ceeb u dareemin inkastoo Gunners ay guuldarro ka soo gaartay wareegii 8da ee Capital One Cup kooxda heerka afaraad ee iyada oo dhan ku fadhisa 7 kun iyo 500 ginni.
Kooxda ka ciyaarta League Two ayaa 64 boos ka hooseysa Gunners, waxaana ay xalay ugaga badiyeen rigoore 3-2 ah ka dib markii 120 daqiiqo ay isku dhaafi waayeen barbaro 1-1 ah. Kaliya hal ciyaaryahan oo Bradford ah ayaa ah mid la soo iibsaday kaasoo 7500 looga soo gatay kooxda aan horyaalna ka ciyaarin ee Guiseley.
Mar la weydiiyay hadii ciyaartoydiisa ay ceeb dareemeen, Wenger waxa uu ku jawaabay: “Waxaan ceeb dareemeysaa marka aadan awoodaada oo dhan soo bandhigin laakii waxaan dareemayaa in kooxda ay dagaalantay, aad ayayna uga xun yihiin ugana careysan yihiin.”
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waa wax laga murugoodo laakiin hambalyo ayaan leeyahay Bradford. Si fiican ayay u difaacdeen, waxaana ay ku bilowdeen ciyaarta si ka fiican sida aan ku bilaabanay, laakiin qeybtii labaad iyo 30kii daqiiqo ee dheeriga anaga ayaa ciyaarta heysanay, laakiin fursadaheena waan ka faa’ideysan weynay.”
“Waxa ay aheyd ciyaar aan ku ciyaarnay garoon adag, guud ahaana waxaa la inoogala badiyay rigoore, laakiin wax qalad ah ma saari karo dadaalka ciyaartoyda, ilaa daqiiqadii ugu danbeysay ayaan soconay ugu danbeysa Bradford ayaa badisay. Dabcan seddex rigoore ayaan qasaarinay, waana wax badan oo la qaato.”