Ciidamo badan oo Islii lagu soo daadiyay iyo amaan xumo laga digay xili ay Kenya udabaaldagayso
Ciidamo gaaraya ilaa 2 kun oo askari ayaa lagu soo daadiyay saakay xaafada Islii ee magaalada Nairobi xili maanta Kenya ay udabaal dagayso maalinta xoriyda 12-ka Bisha December.
Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in xili loo dabaal dagayo Jamhuri Day amaanka Kenya la adkayn doono, gaar ahaan xaafada Islii.
Ciidamadan gaaraya 2-da kun ee lagu soo daadiyay xaafada Islii ayaa sugi doona amaanka iyagoo samayn doona howlgallo kadhan ah Soomaalida iyo dadka kale ee sharci darada ku jooga Kenya.
Dhanka kale waxaa hegan la geliyay ciidamada Kenya si looga hortago falal weeraro ah oo dhaca inta ay socdaan dabaaldagyada maalinta xoriyada dalka Kenya.
Ciidamo ayaa sidoo kale la geeyay magaalooyinka Nairobi, Gaarisa, Mombasa iyo deegaanada xaduuda kuyaal, si ay kaga hortagayaan falalka argagaxiada ah.
kenya ayaa waxaa waayadan ka dhacayay weeraro kala duwan oo lagu eedeynayay dadka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwii ka dhacay xaafada Islii.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com