Dhawaan waxaa Casho Sharaf Loo Sameeyay Prof: Cali Khaaliif Galaydh(Daawiro Sawiro)
Prof: Cali Khaliif Galaydh Ayaa 8/12/2012 ayey aahayd markii lagu qabtay xaflad is xog waraysi ah magalada virginia xafladan ayaa waxaa lagu casubay Prof: Cali Khaliif Galaydh.
Jaaliyada virginia ayaa waxaa waxaa ay ugu tala gashay casho sharaftan in ay isku xog waraystaan aagoona prof cali khalif waydiiyay sidii loo hormarin lahaa maamulka khaatumo iyo sideey qayb wayn uga qaadan lahaayeen hanaanka qaranimo ee dalka soomaaliya su aalihii lahu waydiiyay prof cali khaliif ayuu gabi ahaanba ka jawaabay .
waxaaan uu amaan balaadhan u diray dhamaan jaaliyadaha khaatumo iyo jaaliyada casubtay ee wadanka virginia halkan hoose ka daawo sawirada.
waxaa ka soo qayb galay xafaladaan xuno ka tirsan g11 oo ay ka mid ahaayeen pro cali khaliif galaydh iyo c/rashiid waxay ahayd xaflad si her sare loo soo agaasimay waxaynaku soo dhamaatay is af garad iyo jawi wanaagsan
dad badan ka ka soo jeedyey xalada qiiro galiyey dadka goobta fadhiyey hadala intooda badan ayaa ahaayeen ku salaysan dhiiri galin lagu dhiiri galinaayo in ay reer khaatumo ilaaliyaan isku duubnidoodaa iyo maamulkooda sidii ay u kobcin lahaayeen.
































aadbaan ugufaraxsanahay in shacabka khaatumo dibad iyo dalba ay uheeganyihiin wanaaga iyo midnimada SSC iyo weliba ya soomliayn….aaad baaan usalaamaya dhamaan dadkaa sharafta leh ee sawiradoodu iimuuqqdaan wxaana idinleeyahay guul iyo gobonimo insha alaaah
shalay waxaan gabayga sare u tiriyey beesha jaamacsiyaa oo ay ugu horeeyaan cali faarax iyo kooshin kabadhogor oo iayagu weligood hormuud u ahaan jirey beel weynta dhulbahante.gabaygiina waaka sare ku qoran
maantana waxaan jeclaaystay inaan gabay kale u tiriyo beel weeynta reer saaxdheer ee tolkay oo aan ku dhaliilayo sida ay uga seexdeen waajibkii tolkood ka sugayey, ayna uga soo bixi waayeen doorkii ay ku lahaan jireen talada iyo difaaca dhulbahante.waxaan kaloo codsanyaa gabaygaan inaan loo arag xumaan aan cid u qabo laakiin waa iga guubaabo aan doonayo in maanta baharsame jihaadka bilowdo si ay u soo ceshato doorkii ay ku lahayd dhulbahante dhexdiisa,
aana u arko wax qabadka boqortooyadii soo jireenka ahayd ee reer tolkay.
Gabaygiina waakan isagoo dhan oo dhigeysan;
1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaye
2-Waanse daayey waayadan oo ma soo deeyne
3-Maantana dan baa tidheye ma anba dooneeyne
4- Bal an doogsho reeraha oo dirir u heenseeyo
5- Afartaa digsiiyey oo dowga qabadsiiyey
6-Afar kalena bal aan sida digriga daacad ugu sheego
7- Naalayihii darnaan jiray waa da’furay maantaa
8-Ma dareemin baa loo baxshiyo, magacyo duugoobey
9-Durdurkiyo laaskii xornimo kuma duljoogaane
10-Idoor daacuf leh bay derejo moodeene
11-Nugaal daafeheeday cadho dibinta ruugaane
12-Dhoon dacaladeedii warmaha ku ma duqeeyaane
13-debin kama hadlaan oo fartaa lagu diraayaaye
14-dagaal uma baxaan oo baqay dabada jeedsheene
15- Duubkaan u xidhay iyo derejadii tuure
16-Taladaan u diray doonimaayaane
17-Dumar ooyayey subixi shaah u doontaane
18-Daqiiqda iyo cajiinkay door bidaayaaneh
19-Dabatiyo gunimay doonayaan abideh
20- Darib kuma cunaan dulaha nuurdaaqeh
17-Qudhac-dheero darantii horweeyn uma dareershaaneh
18-Dambar kama dhamaan oo nirgaha uma daduucaane
19-Gaajay la dalan baabayaa dayrta aan joogno
20-Xaabsade damiin bay talo u doonteeneh
21-Ka door bide xornimo inay Idoor dabada haystaane
22-Daba taag korkeeday deleb ku dheelaaneh
23- Durdurada agtooday dalag ku beertaane
24-Idoor daacuflay soor u doontaane
25- Bal dayooy dadkaa aan xornimo doonin abikoodba
`26-Dadkii idin boqraday xornimay doonayaan maanta
27-Dirir iyo colaad bay daalibaayaane
28-Ama diida oo yeela waa kama dambeeystiiye
29-Durbaan iyo rasaas waa inan maqlaa maanta dabadeeda
30-Guumeyd dusheediyo lebida waa inaan gool ku dooxnaaye
31- Dibna yaan u maqal idoor diga qadhmuunkiisa
gabay gaan oo hada uun maskaxdayda ku soo dhacay oo aan ku qoray wax ka yar labaatan daqiiqo, horena aanan uga fekerin, waxaan jeclaan lahaa in aan u hibeeyo dhamaan dhalinyarada dhulbahante ee webkaan horufadhi commentska ku qora.waxaana leeyahay gabaygaan ha layga gudoomo oo dhulka halagu xoreeyo.
gaar ahaan waxaan gabaygaan u hibeeyey howd iyo nugaal iyo nina oo aan u arko laba qof oo jihaadku dhab kayahay.ilmaadeernimaduna meel weyn kaga taal
wixii rayiya oo aad haysaan waa idinka sugayaa.aflagaadaduna waa reebantahy
gabayga waxaa ku jira
magacyada meelo dhulkeena kamida weliba howd iyo nugaal
dhoon- waa buur
qudhac- dheero.– waa meel ku taal laascaanood hoosteeda oo geelaloo daran geeyo
durdurka– waa durdurka laaska
lebida- waa meeshii dhulbahante iyo habarjeclo kala joogi jireen waa gii hore xuddudkuna ahaan jirey
nuur daaq– waa buur laas caanood ka hooseeysa oo buuraha ugu baaleysa xaga nugaasha
saaxdheer iyo dabataag– waa magaalooyin dhulbahante oo howka xiga
baaraan– waa hogob u dhow kalabaydh oo biyu ku raagaan
guul——–gobanimo———–midnimo
ilaahay baa mahadleh
wabilaahi towfiiq
Marka hore waxaan salaan hawada u marinayaa dhamaan beelweeynta khaatumo
gaar ahaana waxaan salaamayaa dhalinyarada khaatumo ee webka horufadhi commentiskiisa ka howl gala. kkk
dhamaantiin waxaad la socotaan in labadaan maalmood aan qorayey gabayo
aan jeclaystay inaan ku booriyo beel weynta kaatumo oo aan ku dhaliilayo iyadoo
awooda difaaca dalkooda inay ka howl yareeysteen.
hadaba sidaad akhrideen labadii gabay ee bahararsame iyo jaamacsiyaad waad akhrideen.
ilaahay idankiis maanta waxaa ii suurtowdey gabaygii ka hadlayey guubaabada iyo kicinta beesha ugaadhyahan.beeshan oo aan anigu ku mataalo geela.sababtoo ah geelu xoogiisa ma arko inta uu aduunka joogo. laakiin geela ilaahay wuxuu tusaa xoogiisa aakhiro.waxaana la yidhi geela marka awoodiisa la tuso buu oohin iyo cabaad isku daraa oo yidhaahdaa ilaahow aduunkii ii celi aan awoodayda isticmaale.laakiin ilaahay wuxuu ku odhanaya waqti aduunkii dib laysugu celiyo lama joogo geelow.
Haddaba gabaygan oo kuwii hore ka yara kulul reerka ugaadhyahanse ku haboon
ayaan maanta curiyey. gabaygaana waa in aan loo qaadan in aan xumaan ama reer iska maag ahay ee waxaan u arkay in uu waqtigan ku haboon yahay.hadaba ha layga raali ahaado. waana in la iga gudoomaa.
gabaygiina waakan isagoo ugaadhyahanaysan.
Gabayga waxaan ugu magacdaray( Darmaan farataqaan),wuxuuna ku socdaa gabaygu xarafka D
1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaaye
2- Iyadoo darmada laydhigaan daadshey idilkeede
3- Waanse daayey inan sheego oo dowga qabadsiiyo
4-Maantana wax bay daarayoo ii dardaarweriyey
5- Bal aan daadsho maantoo kaluu daawo leeyahayee
6-Dacwad waxaan udirayaa reer tolkey dirir la’aantiisa
7-Durjigood ugaadhyahan waa dadaan jirineh
8- Inay dunida joogaan lama dareemaayo
9-Darmaan farataqaan baa sideed daacad loo rarane
10-Iyagoo duloobeybay dad isu haystaane
11-Baldayay ugaadhyahan diifat xumadiisa
12-Faroolaa derderay oo sixir doolar ugu laabay
13-Cabdi samadki diinyaray daba ordaayaane
14-Hartigii dumay derejo moodeeneh
15-Dowladii afweyniyo ina daflay dooni abidkoode
16-Siilaanyo duuflulay taar u dirayaane
17- Iidoor daacuflay arkeen oo laaska soo degaye
18-Iyagoon dagaalamin baqay dabada jeedsheeneh
19-Dundumooyinkay moodayaan daacufle idoore
20-Orodkii dambaaburo qardhay dabo ka dhaafeeneh
21-Dibna uma jaleecine waa durduriyeene
22-Ku dardare caruur iyo haween qowlo dacalkooda
23-Fuleynimadu inay duli tahayna maba dareemaaneh
24-Dalkoodii la dhacay iyo xoreeyn dooni maayaaneh
25-Hanaankii dagaal iyo kalume dirirti xeeleedeh
28-Kamaadoos derderan waa inaan howd ka doonaaye
29-Degelweeynta reer hagar waa inaan qowlo dacalkeeno
30-Durjigoodba reer howd waa dagaal yahaneh
31- Dugsiyada tacliintaan ka furi dacalki qoowleedeh
32-Bii emkii darnaa iyo suuga bay soo dagaal gelineh
33-Darandoori waxaay uridi taangi daba weyne
34-Daaca qudhun cambaashay dooxayaan maanta
35-Xaabsade duloobay dhiig ka siideeyne
36-Sandulihi duloobey bay waran daraayaane
37-Fu’aad daaman weeynay wadnaha shiil ka siideeyne
38-Marka uu danqado oo cabaad labada daan yeedho
39-Bay weliba dili oo indhaha daamur ka yaacin
40-Duriyadii siciidey horgale daawo malahaado
41-Keenii difaacana waa inaan darbeynaaye
42-Danta guud u jeedadu waa midnimo dooneh
43-Xornimona dagaal bay rabtaa iyo geesi doob weyneh
44-Durji malaha ninkaan arlada nabad ku doogeeyneh
45-Dalkeenaa la dhacay waa inaan daacad u xoreeyno
46-Guumeeys dusheediyo lebida waa inaan gaadh duldhiganaaye
47-Googarado waa inuu xidhtaa gaacufle idoore
48-Waa inay dameeraha rartaan oo sagaar dabin u tuurtaane
49-Waxba gabaygu yuu ila durkine waxaan ku soo deeyray
50-Naflahaan danqani goor dambuu dib u shalaayaayeh
51-Isku duubnideeniyo midnimo waa danteeniiye
52-Dirdiraalaha iyo daneeystaha waa inaan daloow ka tuuraaye
53-Dibna yeynan ugu noqon wixii sharafta baal daari
54-Duriyadeena wixii uroon iyo magaca aan doono
dhamaan waxaan ka codsanayaa beesha walaalahay ee ugaadhyahan in aanay iga cadhoon. gabaygaan wax kale ulama jeedo.cidna inaan ku caayo kuma tala gelin laakiin meeshuu ilama maray. hadaba hala kala raali ahaado gabayguna dhamaantiis waa guubaabo iyo kicin ku saabsan xoreeynta laaska iwm
ilaahy waxaan ka rajeeynayaa in gabaygaa
uu daawo uga dhigo dadka uu la hadlayo
wa bilaahi towfiiq
waa keligiiduul oo idin leh habeen wanaagsan