afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:14 am | Posted by

Sheekh C/raxmaan Muumin Hadii aan masjid laga dhisi karin Putland madax tooyada Garoowe dhulkaan dhigaynaa

Sheekh C/qaadir Muumin ayaa waxa uu si kulul uga hadlay hadal ka soo yeeray Faroole oo uu ku sheegay in aan Puntland laga dhisi Karin masjid aysan ka war haynin.

 

Sheekha oo ku sugan Buuralayda Gal-Gala ee Gobolka Bari ayaa waxa uu sheegay in uu Faroole faraha la galay wax uusan shaqo ku lahayn iyo baydkii illaahay iyo diintiisa .

 

C/qaadir oo ka hadlaya ayaa waxa uu yiri”waxaa soo maray aduunka dad ka daran Faroole isaga oo tusaalo u soo qaatay Fircoon sheegayna in is hor taageen diinta illaahay lana og yahay meesha uu ku dan beeyay xaalkiisu isaga oo ku daray intaa fariin uu u dirayay Faroole uu leeyahay waxaad soo gashay hoogaagii hadaad ka joogi waydo”ayuu yiri Sheekh C/qaadir.

 

Sheekha ayaa waxa uu hadalkan ka yiri illaacada Andalus oo ku taala Degmada Baar Dheere ee Gobolka Gedo isagoo kala soo xidhiidhay Buuraha Gal-Galo waxaana uu u diray fariintan hadii uusan ka laaban Faroole arrintan.

 

“Waxaan dhulka dhigi doonaa ayuu yiri hadii uusan ka laaban arrintan Faroole Madax tooyada Garoowi hadii uu ku adkaysto in aan la dhisi Karin deegaanada Puntland masjid aysan ka war qabin maamulku”.

 

Dhanka kale waxa uu xusay in ay jiraan rag u taagan in ay difaacaan diinta islaamka oo u jawaaba cida soo weerarta.

 

Hadalkan ay saaka ka bixiyeen dagaal yahano ka soo hor jeeda maamulka Faroole oo ku dhuumaalaysta Buuraha Gal-Galo hadalkan oo ka soo yeeray laba todobaad ka hor Faroole mar uu ka hadlayay Madax tooyada magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

boosaaso/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM