afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:28 am | Posted by

Wali ma Aragtay Baarlamaanka Soomaaliya, Baarlamaan ka daran oo Beerka iska garaacaya (Daawo Yaabkan Yurub ka dhacay )

iligii Xildhibaanada Soomaaliyeed ay kuraasta isla dhici jireen waxaa fadeexadaas buun buunin jiray inta badan Telefishinada Caalamka kuwaas oo odayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed ku sheegi jiray Xildhibaano dadkoodii wax u qaban waayay oo hadane Kuraas isla dhacaya.

Baarlamaanka dalka Ukraine ayaa waxaa si Live ah Dunida looga daawanayay iyaga oo markii labaad is garaacaya waxeeyna arintaan cusub dad badan ku noqotay la yaab maadaama dalka Ukraine uu yahay mid Nabdoon oo hadane ku yaala Qaarada Yurub.

Dagaalka ka dhex biloowday Baarlamaanka Ukraine ayaa biloowday ka dib Fikrado la isku qilaafay iyo Madaxda Dawlada oo fulin weeysay balanqaanyo ay horay ugu yabooheen waxaana balan ka baxaas ka carooday Xisbiyada Mucaaradka.


Halkaan ka Daawo Baarlamaanka Ukraine oo si Live ah isku Garaacay

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

5 Comments for “Wali ma Aragtay Baarlamaanka Soomaaliya, Baarlamaan ka daran oo Beerka iska garaacaya (Daawo Yaabkan Yurub ka dhacay )”

  1. keligiiduul
    December 13, 2012 - 9:53 am

    Marka hore waxaan salaan hawada u marinayaa dhamaan beelweeynta khaatumo
    gaar ahaana waxaan salaamayaa dhalinyarada khaatumo ee webka horufadhi commentiskiisa ka howl gala. kkk

    dhamaantiin waxaad la socotaan in labadaan maalmood aan qorayey gabayo
    aan jeclaystay inaan ku booriyo beel weynta kaatumo oo aan ku dhaliilayo iyadoo
    awooda difaaca dalkooda inay ka howl yareeysteen.
    hadaba sidaad akhrideen labadii gabay ee bahararsame iyo jaamacsiyaad waad akhrideen.
    ilaahay idankiis maanta waxaa ii suurtowdey gabaygii ka hadlayey guubaabada iyo kicinta beesha ugaadhyahan.beeshan oo aan anigu ku mataalo geela.sababtoo ah geelu xoogiisa ma arko inta uu aduunka joogo. laakiin geela ilaahay wuxuu tusaa xoogiisa aakhiro.waxaana la yidhi geela marka awoodiisa la tuso buu oohin iyo cabaad isku daraa oo yidhaahdaa ilaahow aduunkii ii celi aan awoodayda isticmaale.laakiin ilaahay wuxuu ku odhanaya waqti aduunkii dib laysugu celiyo lama joogo geelow.

    Haddaba gabaygan oo kuwii hore ka yara kulul reerka ugaadhyahanse ku haboon
    ayaan maanta curiyey. gabaygaana waa in aan loo qaadan in aan xumaan ama reer iska maag ahay ee waxaan u arkay in uu waqtigan ku haboon yahay.hadaba ha layga raali ahaado. waana in la iga gudoomaa.
    gabaygiina waakan isagoo ugaadhyahanaysan.

    Gabayga waxaan ugu magacdaray( Darmaan farataqaan),wuxuuna ku socdaa gabaygu xarafka D

    1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaaye
    2- Iyadoo darmada laydhigaan daadshey idilkeede
    3- Waanse daayey inan sheego oo dowga qabadsiiyo
    4-Maantana wax bay daarayoo ii dardaarweriyey
    5- Bal aan daadsho maantoo kaluu daawo leeyahayee

    6-Dacwad waxaan udirayaa reer tolkey dirir la’aantiisa
    7-Durjigood ugaadhyahan waa dadaan jirineh
    8- Inay dunida joogaan lama dareemaayo
    9-Darmaan farataqaan baa sideed daacad loo rarane
    10-Iyagoo duloobeybay dad isu haystaane
    11-Baldayay ugaadhyahan diifat xumadiisa
    12-Faroolaa derderay oo sixir doolar ugu laabay
    13-Cabdi samadki diinyaray daba ordaayaane
    14-Hartigii dumay derejo moodeeneh
    15-Dowladii afweyniyo ina daflay dooni abidkoode
    16-Siilaanyo duuflulay taar u dirayaane
    17- Iidoor daacuflay arkeen oo laaska soo degaye
    18-Iyagoon dagaalamin baqay dabada jeedsheeneh
    19-Dundumooyinkay moodayaan daacufle idoore
    20-Orodkii dambaaburo qardhay dabo ka dhaafeeneh
    21-Dibna uma jaleecine waa durduriyeene
    22-Ku dardare caruur iyo haween qowlo dacalkooda
    23-Fuleynimadu inay duli tahayna maba dareemaaneh
    24-Dalkoodii la dhacay iyo xoreeyn dooni maayaaneh
    25-Hanaankii dagaal iyo kalume dirirti xeeleedeh
    28-Kamaadoos derderan waa inaan howd ka doonaaye
    29-Degelweeynta reer hagar waa inaan qowlo dacalkeeno
    30-Durjigoodba reer howd waa dagaal yahaneh
    31- Dugsiyada tacliintaan ka furi dacalki qoowleedeh
    32-Bii emkii darnaa iyo suuga bay soo dagaal gelineh
    33-Darandoori waxaay uridi taangi daba weyne
    34-Daaca qudhun cambaashay dooxayaan maanta
    35-Xaabsade duloobay dhiig ka siideeyne
    36-Sandulihi duloobey bay waran daraayaane
    37-Fu’aad daaman weeynay wadnaha shiil ka siideeyne
    38-Marka uu danqado oo cabaad labada daan yeedho
    39-Bay weliba dili oo indhaha daamur ka yaacin
    40-Duriyadii siciidey horgale daawo malahaado
    41-Keenii difaacana waa inaan darbeynaaye
    42-Danta guud u jeedadu waa midnimo dooneh
    43-Xornimona dagaal bay rabtaa iyo geesi doob weyneh
    44-Durji malaha ninkaan arlada nabad ku doogeeyneh
    45-Dalkeenaa la dhacay waa inaan daacad u xoreeyno
    46-Guumeeys dusheediyo lebida waa inaan gaadh duldhiganaaye
    47-Googarado waa inuu xidhtaa gaacufle idoore
    48-Waa inay dameeraha rartaan oo sagaar dabin u tuurtaane
    49-Waxba gabaygu yuu ila durkine waxaan ku soo deeyray
    50-Naflahaan danqani goor dambuu dib u shalaayaayeh
    51-Isku duubnideeniyo midnimo waa danteeniiye
    52-Dirdiraalaha iyo daneeystaha waa inaan daloow ka tuuraaye
    53-Dibna yeynan ugu noqon wixii sharafta baal daari
    54-Duriyadeena wixii uroon iyo magaca aan doono

    dhamaan waxaan ka codsanayaa beesha walaalahay ee ugaadhyahan in aanay iga cadhoon. gabaygaan wax kale ulama jeedo.cidna inaan ku caayo kuma tala gelin laakiin meeshuu ilama maray. hadaba hala kala raali ahaado gabayguna dhamaantiis waa guubaabo iyo kicin ku saabsan xoreeynta laaska iwm

    ilaahy waxaan ka rajeeynayaa in gabaygaa
    uu daawo uga dhigo dadka uu la hadlayo

    wa bilaahi towfiiq
    waa keligiiduul oo idin leh habeen wanaagsan

    Reply
  2. keligiiduul
    December 13, 2012 - 9:57 am

    shalay waxaan gabayga sare u tiriyey beesha jaamacsiyaa oo ay ugu horeeyaan cali faarax iyo kooshin kabadhogor oo iayagu weligood hormuud u ahaan jirey beel weynta dhulbahante.gabaygiina waaka sare ku qoran

    maantana waxaan jeclaaystay inaan gabay kale u tiriyo beel weeynta reer saaxdheer ee tolkay oo aan ku dhaliilayo sida ay uga seexdeen waajibkii tolkood ka sugayey, ayna uga soo bixi waayeen doorkii ay ku lahaan jireen talada iyo difaaca dhulbahante.waxaan kaloo codsanyaa gabaygaan inaan loo arag xumaan aan cid u qabo laakiin waa iga guubaabo aan doonayo in maanta baharsame jihaadka bilowdo si ay u soo ceshato doorkii ay ku lahayd dhulbahante dhexdiisa,
    aana u arko wax qabadka boqortooyadii soo jireenka ahayd ee reer tolkay.

    Gabaygiina waakan isagoo dhan oo dhigeysan;

    1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaye
    2-Waanse daayey waayadan oo ma soo deeyne
    3-Maantana dan baa tidheye ma anba dooneeyne
    4- Bal an doogsho reeraha oo dirir u heenseeyo
    5- Afartaa digsiiyey oo dowga qabadsiiyey

    6-Afar kalena bal aan sida digriga daacad ugu sheego
    7- Naalayihii darnaan jiray waa da’furay maantaa
    8-Ma dareemin baa loo baxshiyo, magacyo duugoobey
    9-Durdurkiyo laaskii xornimo kuma duljoogaane
    10-Idoor daacuf leh bay derejo moodeene
    11-Nugaal daafeheeday cadho dibinta ruugaane
    12-Dhoon dacaladeedii warmaha ku ma duqeeyaane
    13-debin kama hadlaan oo fartaa lagu diraayaaye
    14-dagaal uma baxaan oo baqay dabada jeedsheene
    15- Duubkaan u xidhay iyo derejadii tuure
    16-Taladaan u diray doonimaayaane
    17-Dumar ooyayey subixi shaah u doontaane
    18-Daqiiqda iyo cajiinkay door bidaayaaneh
    19-Dabatiyo gunimay doonayaan abideh
    20- Darib kuma cunaan dulaha nuurdaaqeh
    17-Qudhac-dheero darantii horweeyn uma dareershaaneh
    18-Dambar kama dhamaan oo nirgaha uma daduucaane
    19-Gaajay la dalan baabayaa dayrta aan joogno
    20-Xaabsade damiin bay talo u doonteeneh
    21-Ka door bide xornimo inay Idoor dabada haystaane
    22-Daba taag korkeeday deleb ku dheelaaneh
    23- Durdurada agtooday dalag ku beertaane
    24-Idoor daacuflay soor u doontaane
    25- Bal dayooy dadkaa aan xornimo doonin abikoodba
    `26-Dadkii idin boqraday xornimay doonayaan maanta
    27-Dirir iyo colaad bay daalibaayaane
    28-Ama diida oo yeela waa kama dambeeystiiye
    29-Durbaan iyo rasaas waa inan maqlaa maanta dabadeeda
    30-Guumeyd dusheediyo lebida waa inaan gool ku dooxnaaye
    31- Dibna yaan u maqal idoor diga qadhmuunkiisa

    gabay gaan oo hada uun maskaxdayda ku soo dhacay oo aan ku qoray wax ka yar labaatan daqiiqo, horena aanan uga fekerin, waxaan jeclaan lahaa in aan u hibeeyo dhamaan dhalinyarada dhulbahante ee webkaan horufadhi commentska ku qora.waxaana leeyahay gabaygaan ha layga gudoomo oo dhulka halagu xoreeyo.
    gaar ahaan waxaan gabaygaan u hibeeyey howd iyo nugaal iyo nina oo aan u arko laba qof oo jihaadku dhab kayahay.ilmaadeernimaduna meel weyn kaga taal
    wixii rayiya oo aad haysaan waa idinka sugayaa.aflagaadaduna waa reebantahy

    gabayga waxaa ku jira
    magacyada meelo dhulkeena kamida weliba howd iyo nugaal

    dhoon- waa buur
    qudhac- dheero.– waa meel ku taal laascaanood hoosteeda oo geelaloo daran geeyo
    durdurka– waa durdurka laaska
    lebida- waa meeshii dhulbahante iyo habarjeclo kala joogi jireen waa gii hore xuddudkuna ahaan jirey
    nuur daaq– waa buur laas caanood ka hooseeysa oo buuraha ugu baaleysa xaga nugaasha
    saaxdheer iyo dabataag– waa magaalooyin dhulbahante oo howka xiga
    baaraan– waa hogob u dhow kalabaydh oo biyu ku raagaan

    guul——–gobanimo———–midnimo

    ilaahay baa mahadleh
    wabilaahi towfiiq

    Reply
  3. dujaane
    December 13, 2012 - 11:47 am

    dufoooba khaatumo khaatumo waligeen askar baad ahydeen waxana waxa kalifay xiligi boqor cada biilkii lasiin waayay askarti askari xanaaqa naqaan saada cali iyo cali khliiif mooryanka musuqmasuqa qabyaladahaystha ku daba tukataan beelwaynta harti laydinka saaar ceebtin maaha xiligi suldaan m.c.shire iyo boqor cismaan wax la waydiin jiraa ciidan ahydeen ma hada waxlaydin waydiin ceeb waxa ah reer dhan galaydh utaliyo

    Reply
  4. Darwiish taleex
    December 13, 2012 - 1:14 pm

    Sxb keligii duul horta waad fiican tahay kol hadaad is tidhi tolkaa guubabi lkn waxaan filayaa gabaygaa hada kaaga hora oo burseelka ayaadan ka saari karin gabaygu waa sida warfafinta oo kale waa inuu leeyahay tafaftire nin aan loo soo taba barina tafaf tire kama noqdo gabayguna waa noocaas oo kale marka la siidaynayo wuxuu u baahan yahay in tafniid lagu sameeyo lagana saaro wxii aan ku haboonayn lkn haduu noqdo waygu soodhacay burseel badan ayaa sooracaya lkn waad dadalaysaa siiwad halganga lkn isku day inaad qor qor tid gabayga hadii aad ubaahan tahay inaad ogaato meeleg qor qorka ubaahana waan kuu soosheegi toona lkn waad dadalaysaa wlalkiis

    Reply
  5. keligiiduul
    December 13, 2012 - 3:23 pm

    waa talo wanaagsan waana kaa qaatay
    wiil belo

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM