afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:58 pm | Posted by

War Dag Dag Ah +Dagmada Widh Widh Oo Duulaan ay Ku Qaadeen Maleeshiyaadka SNM_ta IYo Horgalada Ay Wataan>>>

Maleeshiyaadka iyo  horgalada ka amar  qaata   siilaanyo ayaa  waxaa ay  duulaan ku  qaadeen  magaalada widh wdih   taaso ay caawa gudaha u galeen iyadoo na loo xaqiijiyay  in ay  hogaaminayeen horgalo ka soo jeeda deegaanada khaatumo   waxaanb layeeshayaa in ay magaalada widh widh ay  afarta koono ka fadhiyaan  ciidamada  SNM-Ta .

 

waxaa magaalada widh widh ku soo  foolahaa isimada khaatumo kuwaaso bari  soo gaari lahaa magaaladaas walo  ay  maleeshiyaadkan caawa ku qabsadeen    xooga in ay ka hordagaan isimada khaatumo .

 

 

dhanka kale  jagiga guud ayaa isku badalay  colaad  waxaan  la dareemayaa in saacadaha soo socda  ay  dagaalo  xoogani ka dhacaan  dagmada widh widh

 

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

35 Comments for “War Dag Dag Ah +Dagmada Widh Widh Oo Duulaan ay Ku Qaadeen Maleeshiyaadka SNM_ta IYo Horgalada Ay Wataan>>>”

  1. keligiiduul
    December 13, 2012 - 9:08 pm

    keligiiduul
    December 13, 2012 – 6:30 pm

    Bismilaahi raxmaani raxiim

    maanta gabaygu waa mid cusub oo aan reer walboo dhulbahante ah hawada u marinayo amaan iyo dhaliilwuxuu isdaahilo aniga aragtidayda
    gabaygiina waa kan

    Gabayga magaciisuna waa Amaan iyo DHaliil

    1-Ha’da gabayga anigoo yar baa hibo la iisiiyey
    2-Anigoo hadaaqaaya baan helay midhkeediiye
    3- Hayeeshee sidii uu ahaa beryahan umaba heenseeyne
    4- Waa taan hilmaamoo dhamaan aan ka howl dhigaye
    5- Anigoo hurdaaya baa haatuf ii yime
    6- U hinqaday inaan heeso oo woowga ka higaadsho
    7- Mase heline xarafkaa ha’daa hibadi ii keentay
    8- Aan higaadsho maantoo kaluu gabaygu haybadleeyahaye

    9-Ugaas yadu hidaha iyo dhaqanka waa hulaabtaane
    10-Garaadadu markay howd u mari waa u heesaane
    11- Howshiyo dagaalkana waa horkacayaane
    12- Hor ilaahay baa igu oge xoreeyn way haybsanaayaane
    13-Hubkana waa sidaayaan ilaa hilinki siixowle
    14-Hore waxay u kacayaan ilaa lebidi hoos weeyneh

    15-Jaamicii halgami jirey, waa halkumataale
    16-Horgale iyo waxay noqdeen, haatuf wada waalan
    17-Tolkoodoo halgamayay, isaaq soo horkacayaane
    18-Alla haybad darana haybta aan ahayeh

    19-Haybtay ahayd bahararsame waa hungiyo madhane
    20-Inkastooy hanweyn muujiyeen,waa hurdaan weliye
    21-Hamigoodu waa xoreeyn oo waa hubaa maanta
    22- KHaatumo haykalkeedana iyagaa faras u heenseeyey
    23-Haybad laha garaadkuna waa halgamayaaye
    24-Ha yeeshee halkaan doonayiyo dowgi ma hayaane

    25-Ugaadhyahan hanqaday dagaal waa holinayaaye
    26-Daraygii hadhweynay maryaha hoos u jiidaane
    27-Taleex hilimadiisay aroos heeska jjibshaane
    28- Waxay haanfuraayaan baruur iyo maraqa heenkiisa
    29- Hami kuma jiraan iyo dirirba haybteede
    30-Hadal lama wadee tolkaay waa hungiyo ceebee

    31Ccabdi garaad waa diyaar oo waa soo dagaal geliye
    32-Abidkoodba doorkoodu waa nagama daahaane
    33-Docmo iyo dhulkoodii waa daahir idilkiise
    34-Ku daydaay qayaad waa geesiyaal daraneh

    35-Axmed garaad dalkiisii waa difaacaayeh
    34-Kamaadoos dardaran iyo ciidamay furinta deeyreenee
    35-Qorulugud siday ugu dubeen daacuf lihi cararye
    36- Sawaariiq dardaran bay intaas doow u ridayaane
    37- Dabaaldeg iyo ciyaar bay duhurki dheelaane
    38-Waxsen diirineeyn warkaas laasku soo dirayo

    39-KHaalid iyo hayaag waa halkoodiiye
    40-Hayin ma aaney noqon waqood oo waa wada halyeygaase
    41-Hubka markay ridaa cararyey hoolifle idoore
    42-Haybtooda waa laga naxaa tan iyo haabiile
    43-Hal hal bay u duulaan oo nafluhu sooma haabsado eh

    45-Yaxye heegan buu wiqii howl u taagnaaye
    46-Cadoowgoo hurday mirtii hanaqa gooyaane
    47-Halkay kaa xigaan cadowgu waa hubsanayaaye
    46- Hiil inaan ka doontana xornimo lama huraan weeye

    47- Tuuryari tolkeey weeye oo waan tirsanayaaye
    48-Tiro iyo tayoba waan tebaayaaye
    49- Toorayaha inay soo xidhaan tii aan rabey weeye
    50-Waran tuuristiyo madfacu waa tabtoodiiye
    51-Tala gooyta iyo xaajadu waa tay lahaayeene
    52- Tuuryareey la aantaa xoreeyn daaba qaad maaha

    53-Waxba gabaygu yuu ila hadrine waxaan ku soo heegay
    54-Tolkay waa wada halyey iyo geesi halabsi doonaaya
    55-Hinjiinle iyo kuwaan haybta garan waayey
    56- Waa hubanti inay wada yihii hanadyo waaweeyne
    57-Allow soo hadee dhuloos waa halgamayaaye

    Allaahu akbar
    maasha allaah

    Reply
  2. run sheege
    December 14, 2012 - 12:47 am

    nagadaa waxaasoo reer hawdnimo ah waad geeraaraysaaye ,dadkii dhaliisha lahaa ayaad amaanaysaa dhulbahante dagaalka hawada galo yaan magacyo lala bixin sida ma dareemin adeer jaamac siyaad dagaalamayaana ma jiro ha wareerin hadaad wax iska celinayso waa laguu fadhiyaa waxba ugaadhyahan iyo js wax haka sheegin waligaa gaadhimayside

    Reply
  3. Darwiish
    December 14, 2012 - 4:57 am

    Ha,da gabay halkaa caawa tidhi hadi iyo yaabe

    Reer jaamac waa wada halyeey waad hafraysaaye

    Horgal ina canbaasha qaribay wa gob hadal dheer

    ma huwana dhamaantood xumaan Haybta maad barane

    Garaad jamac wale wa hormuud waan hanad jira’e

    Asiga horaantood matele waana la hubaye

    isku hubi gob waa hadimadeed hadalka qaarkiise.

    Reply
    • keligiiduul
      December 14, 2012 - 10:07 am

      darwiish
      waa jawaaba aa sidaa u xoog badnaayn
      erayo badan waad isku dhex qastay
      higaadana iskaba daa.

      bal tixdana iga hoo

      1-Reer jaamac waa hore marbay magac hulaabteene
      2- Haybtay lahaayeen marbay hore u qaadeene
      3- Huwantii idoor waa kuwii hana dheer gooyey
      4-Waa kuwii tolkood hiigsadoo howd u aaraayey
      5- Waa kuwii idoor hoolifliyo fiinta hadh u diidey
      6-Nimankii halkaa joogi jirey waa hanfanayaaye
      7-Hadhuubo caydh iyo waxay tosheen haamo waaweyne
      8- Tolnimona hilmaamoo diide taladiiye
      9- Iidoor hoolifleh iyo kufray haan u tumayaane
      9-Hargeesiyo burcay majin ku haanfiiri
      10-Halacdheere oo kale ayey ciirta dhamayaaneh
      10- Sida halaqa goodkay indhaha how ka dhigayaane
      11- Gabdho heelan waa leeyiin haybtan aan ahaye
      12- Oo weli hormuudoo howsha qabanaaya
      12-Ragse haybin maayoo hankii wayga jabay maanta

      darwiish inaadeer aan raali kala ahaano
      reerkuna dhaliisha waa leeyahay.si kastaba ha u lahaadee jawaabtii gabaygaagan waxaan u malaynayaa intaas waa kugu filantahay
      waxaan rabey inaan boqol bayj kuugu jawaabo walaahi laakiin waan joojiyey

      Reply
      • khatumo citizen
        December 14, 2012 - 10:26 am

        keligi duul
        Waar xiniinyo Jaamac Siyaad baad doonaysaa in lagugu xoreeyo!.
        adeer afkaaga suubso, gabayna wax kama ogide afdheerida reer hawdka
        iyo waalida yar meel la fadhiiso.
        dagaal hadaad diyaar u tahay, af looma baahna ee baashaadaa looga soo
        dhacay tolkaa. iska hadaal tahay runtii.

        Reply
        • khatumo citizen
          December 14, 2012 - 10:27 am

          keligiiduul
          Maxaad uga hadli wayday horgalada widh widh ku soo hogaamiyey
          snmta ee barkad haddaad cadaalad taqaan, maxaa JS ku daba dhigay?.

          Reply
      • khatumo citizen
        December 14, 2012 - 10:41 am

        keligiduul
        waxaan ku waydiiyey
        INA XAABSADE, KEYSA, XAGLA TOOSIYE, FUAD, INDHINDHO IWM, MA JAAMCA SIYAAD BAA?.
        Jaamac Siyaad dib dambe xabbad isugu dhigi maayo ee dhulka aan wada
        difaacano. Waxaa kale oo la ogyahay in Dhulbahante jamac Siyaad ka
        necab yahay iidoorka, taana maanta Jaamac Siyaad waa ogaaday. anigoo
        Khaatumays baa sidaa kuu sheegaya. reerku snmta waa ka hor baydheen
        laakiin ma keenin dhulka mana haystaan ee runta aanay idiin sheegayn baad u dabagashay iyo tol-jeclaanta ayaa lagu arkay.
        Reer waliba xuduudda inta uu ku leehaya ha digaaco, Laaskuna waa magaalo madaxdii SSC ee hala wada difaacdo.
        KHAATUMO HA WAARTO

        Reply
        • keligiiduul
          December 14, 2012 - 7:10 pm

          khaatumo citizen
          waa keligiiduul oo ku leh waan ku fahamay saaxiib is deji
          akhri gabayga hoose ee aan ugu jawaabey
          darwiish, waa gabay cusub
          oo siguud u hadlaya

          Reply
  4. Kayse
    December 14, 2012 - 6:00 am

    Keligiiduul @ inaadeer abwaan lahubaad tahay laakiin tolkii gabayga maad wada gaadhsiin badh baad katagtay malaha waad hilmaantaye sida qabiilada kala ah 1 maxamed muuse 2 bare muuse 3 abokor muuse 4 yoonis muuse oo dhamaantood reer howd ah malaha reer nugaaleed baadtahaye waayo hadaad reer hawdtahay waad xasuusan lahayd reerahaas waadna ku mahad santahaye halkaas ka wad halganka

    Reply
    • keligiiduul
      December 14, 2012 - 9:36 am

      keyse waan ku salamay inaadeer faaladaadana waad ku mahadsantahay
      inaadeer akhri numbarada 55 iyo 56 adigaa i fahmiye
      mahadsani

      Reply
  5. Ladan
    December 14, 2012 - 7:38 am

    Kayse sax, u toos toosi , weliba waxaa jira Cismaan Saciid oo aan maqlay waxay degaan Sanaag,

    Reply
  6. Kayse
    December 14, 2012 - 9:36 am

    K.k.k.k.k. Ladan waan ku salaamay inader weligay maan maqal cismaan siciid harti ee xaguu ka soobaxay ma ugaadhyahankaa qarsan jirey sida maxamuud saleebaanku hartigii yar yaraa uqarsaday ee ay yidhaahdaan kii bari degaaba waa maxamuud saleebaan hada reerkaasi malaha ugaadhyahan baa isku badiyeey

    Reply
    • Ladan
      December 14, 2012 - 5:59 pm

      keyse , haa walee wa ajiraan , bal weeydii Ugaadhyahanka Sanaag dega , Cusmaan Saciid , , war cusmaan muuse dhaha baan iri maya waa Cismaan siciid , bay dhaheen, iyaga ayay wada degaan laakiin way u maxamuud Salaabee neeyeen looool

      Reply
  7. Kayse
    December 14, 2012 - 9:47 am

    @ keligiiduul inader waan kaaqaday salaanta sharafta leh ee aad hawada ii soo marisey waan ku fahmay waanan aqriyey 55 iyo 56 waxaad ku jamcisay dhamaan reerka wixii aad dhaaftay laakiin waxaan ka jeclaan lahayn aniga iyo wixii ila aragtiyaba inaad dhamaan beelaha dhulbahante carabka soo marisid mar hadaad beel kasta meel dhigtay inaadan ilma muusena ka tegin ee aad raaciso walaalahood

    Reply
    • keligiiduul
      December 14, 2012 - 10:14 am

      inaadeer sidaad ogtahay gabaygu wuu ila dheeraanaya
      labadaa layna waa ku soo koobay.
      insha alaa waqtiga dambe baan xusi doonaa hadii ilaahay idmo

      waxaad tahay nin aragtidheer ilaahay ha kuu siyaadiyo
      waad mahadsantahay
      jawaabta sare ee gabaygii darwiishka js akhriso

      Reply
      • khatumo citizen
        December 14, 2012 - 10:29 am

        keligiduul
        ma JS siyaad baad ku khafiiftay?.
        War adigu horta yaad tahay?
        markaasaanu kuu jawaabi karaaye.

        Reply
  8. cabdi salaan
    December 14, 2012 - 11:25 am

    waan idin salaamayaa akhyaarta oo uu ugu horeeyo keligiiduul kayse iyo ladan waad nakumahad san tihiin kaqayb galkiina gaar ahaan keligiiduul inaadeer waad halgamaysaa waxaadna tahay abwaan lahubo halkaauga hay

    Reply
  9. mahomed
    December 14, 2012 - 1:15 pm

    war maalin ba maalinta ka danbeysa meel ayaa laga qabsanaaya dhulbahante waxaan leeyahay war xamri iyo qaad la cuno idiin ka saari meyse dhulkiini dib uu eega oo xoreysta maalin ba magaalo aya la qabsanaaya macaalabuuhoodle ayaa khatar ugu jirta in cadowgenu qabsado taasna waa dhici doonta

    Reply
  10. Darwiish taleex
    December 14, 2012 - 1:16 pm

    Keligiii duul ilaa shalay talooyin ayaan siinayay lkn runtiii weli kamahayo waxaan ka eegayay takale reero badan ayuuu iloobay cumar wacays xataa uu ka tegay keligii duul sxb gabayga meelo badan ayuu uga baahan yahay in laga toos toosiyo waada ku mhad santahay inaad tolka guubabiso

    Reply
    • keligiiduul
      December 14, 2012 - 2:31 pm

      darwiish taleex

      inaadeer waad ku mahadsantahay talooyinkaaga
      waxaan kaloo odhan laha ilaahay inagana dhigo in gabay lagu soo wada koobi karo.beeshu waa maasha alaa waxaana jira qaar badan oo aanan xitaa maqal
      markaas waxaan ku soo koobay
      55- hinjiinle iyo kuwaan haybta garan waayey
      56- waa hubanti inay wada yihiin hanadyo waaweeyne

      Reply
  11. jama
    December 14, 2012 - 2:18 pm

    ninbaa waxaalayiri mudo wuxuu orana jaray xiligii sayidku hogaaminyey dagaalkii daraawiishi kula jirata reer galbeedka sayid gabaybaa ihayey buu oranjiray maalintii danbe baalayiri gabey markaa suu ku bilebe gabeygii uu nusuqariniga lahaa gabaybaa ihaya sayidow farasgaa fadalkiisa xarakiisa fatataqadiisa fadalka uu tuuraayo fatataqaada fadalkeeda aamus baalaguyiri meeshii gabay lagasugayey buu xaaraka bilaaba waa kanookale dadkaasoo miiran baa oranaya gabay baa hibo la iisiiyey hada wuxuu yiri habaan ka gabyayaa meesha ama xigmadkeen ama iska aamu harayana waxaa looyiri xigmadu waxayluntaa maraka cid waliba sheegato inay ehel utahay maantay maraysaa meeshii aya ku lumi lahay xigmadu hadaa keligiiduul shaagatay adigaa curka roob ku og wiil kaa kaligasheegta uun baan lahadalayaa akhyaarta kale raali ahaada

    Reply
    • keligiiduul
      December 14, 2012 - 5:19 pm

      jama
      aad baan u qoslay waayo waxaad ii canaananeysaa si dii aan ku horfadhiyo
      gabaygaana waa ogaa inuu qaar js ah dhiigooda kicin doono kkkkkkkkkkkk

      anigu gabayga waan wadayaa ilaa dhulka laga xoreeyo
      ama horgaladoo dhami hadlaan oo yidhaahdaan isaaq baan isu dhiibney
      waad mahadsantahay mudane jama

      Reply
  12. Aar Gantaalan
    December 14, 2012 - 2:32 pm

    @ Keligii Duul

    Magaca waad ku banaantahay! Kolay tolkii waa hurdaaye inaan fardi fardi dagaalka u galno ayay hadda xaalku marayaa. Meel fiican baad ka wadaa. Mahadsanid.

    Reply
  13. Darwiish taleex
    December 14, 2012 - 3:02 pm

    Inder keligiiduul waaad mahadsantahay qabiilna lama wata tirin karo w qoraal kuma dhamayn karo qabiiil dhuur ka farawayne waxaad natahay abwaan lkn pls gabayga tafaf tire ama tafniid ku samee gana saar meelah aan suugan ta in lagu daro ku haboonayn sida meelah cayda ah lkn dhaliishu waa caadi

    Reply
  14. Darwiish
    December 14, 2012 - 4:24 pm

    Keligi duul

    Hal abuurka aan idhi

    Higaada iyo
    maansada

    Ma halaynin sxb

    hoji talada weliga

    yaan hilawle kuu bixin

    murtidana ha hiigine

    Hanaan keeda qaadsii

    Wa hibo ilaahaye

    Hawd lagama soo guro

    Adiguna Hab uma lihide

    Naftaadaad hafraysaa

    Hoyaalahaygana dadka ruux habawsani

    ma haweysto weligii

    Hada kale waxay tahay

    reer jaamac huunada

    dhaaxuu hortaaganaa

    Haankaweyne guumays

    Hanaqlaha ku gooyeen

    Dhulbahantena hurda u galay

    Qoridheer heedhee

    dhaxaan helyey huray

    Haday maanta hiiltahay

    Nafta waan huraaya

    Hawe beena wiilyahaw

    wa lagau hungoobaaye

    Runta maw hal qabana

    Halqudhana ma noqona

    Hebel hebel ma daynaa

    libinta waan helaynaaye

    Haan qudha ayaan nahaye

    Maxaad kala hadfinaysaa?

    Reply
    • keligiiduul
      December 14, 2012 - 6:53 pm

      darwiish
      iga gudoon salaan heersare
      inaadeer si wanaagsan oo hufan baad u hadashay
      gebagebada gabayga aha heestaaduna waxay ku soo biyo shubanaysaa ama ku cadahay in aad tahay mujaahid laakiin sida wax u jiraan og
      aad baana kuu fahamay rayigagana waa kugu ixtiraamayaa,
      waxaan kaloo kaa codsanayaa inaad gabaygaan ku qanacdo
      gabaygana meelo badan buu taabanayaa ee si fiican u akhri
      gabaygaan uma fekerin mudo yar baana ku qoray.markaa waxaan u malaynayaa in aad dhamaantiin xiiseeyndoontaan
      i

      1-Abwaankii halyey ihi runtuu hiil u doonaaye
      2-Halgankiyo xoreeyntaan waqay u hardamaayaaye
      3-Hayb qudha difaaceed waa hal ku mataale
      4-Horgalayaashu way badan yihiin tan iyo habiile
      5-Hindisahaaga waan garanayaa haybta uu yahayeh
      6-Js taa habowsani wax bay hilow ka eegeene
      7- Himbiriirsi iyo riyey isu higaadsheene
      8-Hirar beena iyo waxay arkeen howlo aan jire
      9- Hunguri iyo waxay raadiyaan hilibka ceebeede
      10-Tolkoodoo horjoogay wax u hilaacaane

      11-Inay soo halgami jireen hubanti weeyaane
      12-Ciil hore inay wada hibtaan waa hal aan qabo eh
      13- Inay hiirta waaberi ka caan waa halaan qabo
      14- Dagaal inay habeeyaan waa halaan qabo
      15-Hayeeshee hormuud weeyo oo waa lama huraankiiye
      16- Halgankuna la aantood waa halaan jire
      17- Howd iyo nugaaloo dhambaa dooni hiilkooda
      18-Hor ilaahay baan doonayaa inaan wada hanuunaaye

      19-Halganka inaan bilow naan rabaa oo hirgelinaaye
      20-Haybtaan nahaan doonayaa inan hubeeynaaye
      21-Hoolif laha idoor baan rabaa inaan halagaaye
      22-Iska hilmaama wixii hurudhiciyo hanafti duugowdey
      23-Tolkiin heegan weeyoo waa hayaankaase
      24-Halkaad tabansaan sheegta oo howsha dacalqaata
      25-Hibo eebe weeyee howsha dacalqaata
      26-Hanti iyo barwaaqaan koldhow dibiro la hifandoonaaye
      27-Hido caane heedaan koldhow ka hifandoonaaye
      28-Helo iyo ciyaar baan koldhow lebi ka heesnaaye
      29-Aroos hararo weeyn baan xargaga hibo ku soo hooyne
      30-Hadhuub buuxo oo xoor leh baan halab ku soo maali
      32-Hilib iyo waxaa lagu qadeeyn kuriski heemaale
      33- Haweenkiyo caruurtaa subaga hiinfaari

      34-Madaxdeena oo haybadlaa talada heemaali
      35-Hablaheena oo quruxsan baa hiirti soo kicye
      36-Makhaayado hab weeyn loo dhisaan shaaha ka hiraaban
      37-Hartigii nadhalay baan heedhe soo celine
      38-Daarood hadoodanaan hiil u diranaaye
      39– Khaatumo humaageeda baa la hadhsandoonaaye
      40-Halka amarka laga qaato baa hooy inoo noqone
      41-Halyeeyadi xijaabtaan hibo gudoonsiine
      42-Taariikhdii haloowdaan soo hilaat celine
      42- Darwiishkii halgamaybaan haybti qorayaaye
      43-Umadyahay halbowluhu waa dhiiga hibiqdiisa
      44- Halgankiyo xoreeyntuna waa lama huraankiiye
      45- Iga bilaaba howshoo midnimo faras u heenseeya

      ilaah baa mahadleh

      Reply
  15. gu haad
    December 14, 2012 - 5:19 pm

    habartan keligiiduul ee uu ka faaxay buufku
    web kasta buraanburkaasay la taagantay

    Reply
    • keligiiduul
      December 14, 2012 - 6:54 pm

      guhaad inaadeer gabayga sare akhri
      waxna iskula hadh

      Reply
  16. Darwiish
    December 14, 2012 - 7:56 pm

    Keligi duul

    Hawraarta gabay hadal mergada hiifka lays maagay

    Habeen qudha ma doonayna inaan gacal u heesaaye

    Ruuxi Hanfada meel sanba loo horqaaday

    Maansadu habawdaya cabdaw hadalka aad sheegtay

    Reer jaamac hiifkaad na tiri waad hadqalo weyn

    Doqon iyo nin hayla leh murtida hoojiyaad tahaye

    Horgalada dhulbahanta bal eeg kaygu wa hebede

    xaglatoosiyaha haatufee hawdka ceebeeyay

    Xaabsade habawyeey Hilmaany hilinki toosnaaye

    Ina yuusuf waa kaa hanbada leefayiyo hilibka quudheede

    canbaashana halaagbuu kas baday huurawaynaaye

    Horgaladuna wa badanyihin halac tuugteenu

    Maxaad nagu halgaada hartiba nagama maarmaan

    Dagaal aan hormuud wadan halyey jamac hootaynin

    Xageebu hubqaadkiyo ka iman waad i hagarteen

    Carbal hira dagaal aan ka hadhay habarkasta u yeedho.

    Reply
  17. Darwiish
    December 14, 2012 - 8:10 pm

    Sxb ma doonay inaan kugu taagsado ama gabay ku tiriyo lkn marka dhulbahante kala saafsaaftay ayan ku qonsaday waxana ku leyahay ninwalba horgal waa leeyahay raalina kama nihin dhamanteena horgalada waana shakhsiyaad gaar ah lkn waxa khalad ah in reer o culimo, madax , abwaano, odayaal, iyo dhalinyaro cfmd qabta leh aad ku shaanbadayso waxanay ahayn.

    Reply
  18. Darwiish
    December 14, 2012 - 8:13 pm

    Murtida iyo suugaantuna wa hibe eebe xoogxoog maha waxanad ahayn hayska dhaadhicin naftada been hawsheegin wa iga talo sxbe

    Reply
  19. keligiiduul
    December 14, 2012 - 9:55 pm

    Ku; Darwiish
    saaxiib waxaan dareensanahay in aad aad u xanaaqsantahay
    marka hore isdeji oo dgaalka jooji
    marka labaad
    waxaan u malaynayaa webkan uun baad webabka ka taqaan
    hadaba adigoo cidna hantedid. dhiig karkana isku kicin
    waxaad gashaa horufadhi ka dibna eeg commentska ku hoos qoran ciwaanka War deddeg ah halkaas waxaad ka helaysaa in lix gabay oo aan tiriyey maalmihii la soo dhaafay. gabayaduna js oo keliya maaha ee qabiilada iyo horgalayaashaba waan u gabayey.

    gabayga aad gabaygay ugu jawaabteyna ma garan karo waayo khaladaad badan oo xaga isbeelinka ah baa ku jira.meelo badana micnohooda macada.

    guud ahaa isku soo ururiyoo ma xuma u jeedadaadu
    js siyaadana waxay ila tahay amaan haday wax tarayso aniga iyo adiguba aamaanay
    hibadaad sheeganaysona ilaahay ha kuu siyaadiyo.
    laakiin marnaba ha xanaaqin
    dalkana aan ka xoreeyno snm ka dibna aan gar naqsano ianagoo dhulbahante ah
    aniga laftirkaygu inaanan kaa fogeeyn baa laga yaabaa
    sidaa daraadeed ma doonayo in dagaal sokeeye inaga dhex qarxo kkk

    Reply
  20. gu haad
    December 15, 2012 - 1:57 am

    back ninkaa abwaan keligiiduul wax uu igu sameyay la garan maayo
    waaban garan waayay waan iskaka aflagadeeyey waxba balaheyga yaaacay
    bal i cafi sxb wa iska aduunyee waa intaasoon u rawaxaa
    xagaa iyo aakhiree

    Reply
  21. runsheege
    December 15, 2012 - 10:02 am

    keligii duul adeer js miyey ku waseen ,waadigan ku badhaacinayee hadalkaa sida saxarada kuu qabta,js ader isaaq xabad ku ridimaysee is difaac oo xiniinyahaaga wax iskooga celi waxaad doonaysaa in waliga js ku difaacdo oo aad magacyo kula baxdaan ma dareemin..laangab xun oo reer hawd ah ayaad tahaye dhulkaaga joog ,js waa laandheere banaan degay yaan wakhti kaaga lumin.meesha isaaq joogana waa js state guumays ilaa ganbadhe ilaa yeyle ilaa jidbaale …

    Reply
  22. mj
    December 16, 2012 - 3:27 pm

    wallahi hadaan afareey aqoon lahaa,ana waa tuuran lahaa ,lkn sidiinii baad- leedihiin,gabay majeerteenle

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM