Daawo sawirada Wasiirkii ugu horeeyay ee Xukuumada Federalka Soomaaliya oo iscasilay.
Waxaa goor dhaw ku dhawaaqay in uu iscasilay Abuukar Xasan Cali oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada maaliyada iyo qorsheenta xukuumada Soomaaliya.
Abuukar Xasan Cali oo horay uga mid ahaa xildhibaanadii kumeel gaarka ahaa ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa xilli uu Waraysi siiyay Warbaahinta, waxa uuna masulkaani shaaciyay in ay ku timid istiqaaladiisa latashi badan oo uu lasameeyay wax garadka Beesha Gaaljecel ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalka.
“Waan istiqalooday,mana ihi saacadaan laga bilaabo wasiir kuxigeen, mana u qaadayo Beesheyda wasiir Haaf ah, mana kagelayo beesheyda baal madoow,waxaana u aragnaa xilkaasi mid nalagu yasayo waxa noo qaadma madaxda dalku wey taqaanaa”, Abuukar Xasan Cali ayaa ku wararamay.
Waxa uu intaa sii raaciyay in uu aad ugu mahad celinayo cid kasta oo gacan kageysatay in xilkaasi loo magacaabo, hasa yeeshee


