afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:02 am | Posted by

War Deg Deg Ah:-Madaxweyne, Maxamed Yuusuf Jaamac Iyo Wufuud Uu Hogaaminayo Oo Saaka Soo Gaadhey Magaalada Buuhoodle(Warbixin)

Madaxweynaha maamulka goboleedka Khaatumo State Of Somalia, Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Halac”Indhosheel” Iyo Wufuud uu hogaaminayo ayaa saaka subaxnimadii si nabad gelyo ah kusoo gaadhay caasimada gobolka Cayn ee magaalada Buuhoodle.

Socdaalkan madaxweynaha ayaa ahaa mid uu kaga soo kicitimey caasimada ku meel gaadhka ah ee maamulka Khaatumo State ee magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

Socdaalkan uu kusoo jirey madaxweynaha maamulka Khaatumo State oo saaka subaxnimadii lagu soo dhaweeyay caasimada gobolka Cayn, Ayuu madaxweynuhu ku soo marey deegaano badan oo ka tirsan maamulkiisa, Yadoo saddex casho kahorna madaxweynaha lagu soo dhaweeyay deegaanka”Saaxdheer” oo ka tirsan gobolka Sool.

Sidoo kale Madaxweyha ayaa maalinimadii shalay ahayd socdaal ku gaadhey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Cayn iyo Gobolka Sool ba, Yadoo madaxweynahu uu maalinimadii shalay ahayd uu ku sugnaa magaalada”Balicad” halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi.

Hadaba saaka subaxnimadii ayuu soo gaadhey Madaxweynu Maxamed Yuusuf Jaamaca”Indhosheel” Caasimada gobolka Cayn ee magaalada Buuhoodle, Yadoo uusan madaxweynuhu wali ka warbixin safarkiisii uu soo marey tan iyo intii uu kasoo kicitimey caasimada maamul goboleedka Khaatumo State ee magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

Soodhweyntan balaadhan ee lasoo dhaweeyay madweynaha maamulka Khaatumo State, Ee saaka ka dhacdey gudaha magaalada Buuhoodle ayaa imaneysa xili ay bulshada ku dhaqan deegaankani sugayeen xubnaha ugu sarsareeya golaha madaxtooyada ee maamulka Khaatumo State.

Hadaba soo dhaweynta saaka lasoo dhaweeyay madaxweynaha Maamulka Khaatumo State gudaha magaalada Buuhoodle ayaa uu madaxweynuhu sheegay in uu ka warbixin doono socdaalkiisan iyo waxqabad yada ay gaadheen intii ay ka maqnaayeen gudaha magaalada Buuhoodle.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

6 Comments for “War Deg Deg Ah:-Madaxweyne, Maxamed Yuusuf Jaamac Iyo Wufuud Uu Hogaaminayo Oo Saaka Soo Gaadhey Magaalada Buuhoodle(Warbixin)”

  1. Kayse
    December 14, 2012 - 12:06 pm

    Maxaa soo dhawayni itaraysaa mar haday maanta s.n.m gobkii widhwidh ku hilba qalanayso aawaye wiilashii dhiiranaan jirey ee guuleed garaad cabdale garaad faarax

    Reply
  2. dhuldurug
    December 14, 2012 - 1:04 pm

    guuleed garaad sow kuwa wada maaha hadaan meel looga soo wada jeesan daba qoodhiga walee in aan cadaw laska celinayne waa loo jabayaa

    Reply
  3. keligiiduul
    December 14, 2012 - 3:50 pm

    gabaygaan waa gabay yar oo js guud ahaan taabanaya

    1-Reer jaamac waa hore marbay magac hulaabteene
    2- Haybtay lahaayeen marbay hore u qaadeene
    3- Huwantii idoor waa kuwii hanaqa dheer gooyey
    4-Waa kuwii tolkood hiigsadoo howd u aaraayey
    5- Waa kuwii idoor hoolifliyo fiinta hadh u diidey
    6-Nimankii halkaa joogi jirey waa hanfanayaaye
    7-Hadhuubo caydh iyo waxay tosheen haamo waaweyne
    8- Tolnimona hilmaamoo hiife taladiiye
    9- Iidoor hoolifleh iyo kufray haan u tumayaane
    9-Hargeesiyo burcay majin ku haanfiiri
    10-Halacdheere oo kale ayey hiinsan ciirtiiye
    10- Sida halaqa goodkay indhaha how ka dhigayaane
    11- Gabdho heelan waa leeyiin haybtan reer jaamac
    12- Oo weli hormuudoo howsha qabanaaya
    13-Ragse haybin maayoo hankii wayga haayiraye
    14-Horgale ina cambaashow idoor hoos ku gelin maayo
    15- Halyeeyadii dhuloos waa ku helayaane
    16-Hilibkaaga waxa loo jarjari haada idilkeeda
    17- Geesiyaal hubkoodii wataa heesta kugu qaadi
    20-Hiil malihid oo horgale haybti mayaqaane
    21- Wale huuraweeynow dhuloos hooto kula eegte
    22-Lafahaaga oo haar leh baa soo hadhaa noqone
    23- Inta neeftu kugu huursantahay hooge soo gooso
    24- Oo howd u carar iga walaan haatuf kuu bixineh

    Reply
  4. darwiish dhaarsan
    December 15, 2012 - 3:37 am

    waa gabay jira oo sax ah kuna socda huuraale ina canbaashe

    Reply
  5. heegaale
    December 15, 2012 - 6:14 am

    kkkkkkkkkkkkkkkkk waxaa farxad ii ah haday maanta kuwii ku farxi jiray maydkeyga maanta dul joogta snm kuwii igaga baxay dgaalkii snm iyo reer hagar kuwii kayse lahaa kuwii widhwidh lahaa kuwii xaasidiinta ahaa yaa uhiilinaya ileen waa dad yare
    ttolkoodna waa kuwii shalay kaga baxay dagaalkiii kalshaale afkee ayey igula imaan ileen hawd iyo ndhulbahanteba anaa ubadane

    Reply
  6. raamaley
    December 15, 2012 - 6:49 am

    NIN SOMALIYA OO DILAY WALAALKII OO LOO ISTICIMAALAY MUNAAFAQAD IYO ISKUJEBIN AYAA WAXAA LAGA QORAY MARKUU WALAALKII DILAY KADIB AYUU WUXUU OGAADAY IN WALAALKII WAXA DILAY UU ISAGA YAHAY LAAKIIN LAGUDILAY OO LOO ISTICIMAALAY IN GACANTIISA UU KUDILO WALAALKII TAAS OO SIDA MAANTA IYO SHALAYBA KASOCOTA DEEGAANKA KHAATUMOSTD AMA SSC IN RAG KASOOJEEDA DEEGAANKA AY UGU SOOHOREEYAAN XABADA IYO MAGAC XUMADA TAAS OO AY KUSOOHOGAAMIYAAN BEELO CADOWA OO DOONAYA DHULKOODA IYO DADKOODA XOOLAHOODA IN BEEL LAMIDA BEESHOODA OO CADEYSATEY HORE IYO DIBA WAX AAN LAGA MURMIKARIN OO CAD 100 LAAL SANO SOOJIREEN AHAA ILAAMAANTANA WADA NACAYBKII HORE LOOGUYIQIINAY WAXAA MARAG MADOONTA AH OO BERI IYO BERI DANBEBA AAN LA INKIRI DOONIN IN HORBOODE YAASHA DEMANAYAASHA EE DHAGARQABEYAASHA AAN KUWAARI DOONIN IN AY HOOSFADHIYAAN SIILAANYO IYO SNM OO XASUUQAY CARUURTEENII IYO HALYEY YADEENII QAATAY DHUL BAAXAD WEYN DOONAYANA INAY QABSADAAN INTA HARTEY EE DHIIGA MARXUUMADII MUJAAHIDIINTA LAGAGA HORJOOGO waxaan idin xusuusinayaa dhamaan hor galada u shaqeeya beesha cadowga khaatumostd ee SNM EE UU HOGAAMIYO BEENAALE KUNOOL MUSLIMIIN SOOMAALIYEED DHIIGOODA OO GABALKIISU DHACAY WAA SIILAANYO IYO INTA ISUBAHAYSATEY NACAYB KA UMADA SOOMAALIYEED EE REER KHAATUMOSTD IYO TAN UMADASOOMAALIYEED OO DHAN IYO kuwa maangaabyada ah ee beri iyo beri danbaba QOOMA MAYN DOONA KUSOO HAGIDII XASUUQII DAL IYO DAD IYO XOOLOBA EE KASOOJEEDA DEEGAANKA KHAATUMOSTD IN AY HURAN TAHAY ERAYGII NINKII DILAY WALAALKII EE YIRI WALEE WALAALKAY INAAN DILAY WAAN OGAA LAAKIIN IN LAYGUDILAY MAAN OGAYN OO AY DAREEMI DOONAAN xanuunkii umadii lagu xasuuqay deegaanka ssc ama khaatumostd ee o gaada hadaad cirka iyo dhulka meesha ay iska qabsadaan hadaad aadaan waxaa idin huran walee halaag xanuun iyo qoomamo cadaab alena waa xaga ale oo ilaahbaa taas idiiin sheegey xaqa iyo baadilka iyo dhiiga aad ka gasheen hooyo iyo caruurteed walaalkiin iyo inaadeeradiin oo aad aakhiro ugu dirteen ciil iyo xaqdaro uusan kuseexan nin kasoojeeda tolkaa ama ssc ama khaatumostd baa xabad cadow kaagasoo hormaridoona oo laguu soo isticimaalidoonaa ee ogaada inta nimankan maantana widhwidh kuhagaya kuwii shalay xasuuqay walee waad dhadhamin doontaan weligiin ha ilaawina waxna hanaga sugina AAN AHAYN XANUUNKII DADKAYAGA HOOYOOYINKAYO IYO DUMARKII ODAYADII IYO DHALINTII TAAYIRKA SNM AAD U HORKACAYSEEN XAGEE BAA LAGEYN OO LOOGA NOOLAAN CARO EDEG WAANA HAYNAA HAYNA DOONAA ABID INTA TAARIIKHDA XANUUNKA BADAN EE AAN NAAHILMAAMIDOONIN HADAANU DIJAAL IYO QIYAAMEHA ADUUN UUSAN KASOOHORMARIN waxaana balanqaadnay in dhiigii iyo baroortii umadayadii xoolahaygii iyo sharaftaydii aanaan idiinka hadhin abid ee waxaad doontaan wada oo waa meesha iyo wacadka xaqii dadkayagu iskukeensimo wabilaahi tawfiiq

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM