afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:12 pm | Posted by

Wasiir Ka Goostay Somaliland Oo Muqdisho Soo Gaaray Ayaa Xil Wasiir Loo Magacabaay

Jaamac Axmed (Jaamac Oday) oo ahaa agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda Maaliyadda ee maleeshiyaadka Somaliland ayaa ka soo dhax muuqday liiska xubanaha cusub ee lagu kor dhiyay golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya.

Markii shalay lagu dhawaaqay Liiska xubnaha ka dhimanaa golaha wasiirada ayaa waxaa lagu arkay Mr. Jaamac Axmed (Jaamac Oday) oo horay isaga soo casilay xilka agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyadda, hadana ah xildhibaan ka tirsan barlamanka Soomaaliyeed.

Jaamac Axmed ayaa loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha guddaha dowladda Soomaaliya inkastoo Ra’iisul wasaruhu wasaarad kaste u magacaabay labo wasiir kuxigeen.

Jaamac Oday ayaa la rumeysan yahay in ay isku dhaceen maamulka Somaliland taasi oo keentay in xilka iskii uu hayay uu iska casilo islamarkaana uu ku soo biro dowladda Soomaaliya.

Jaamac Axmed (Jaamac Oday) oo markii uu dhawr bilood ka hor xilkaas iska casilay ka mid noqday Baarlamaanka dhowaan loo dhisay Soomaaliya, ayaa lagu daray xubnaha xukuumadda cusub ee Raysul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Ilaa hadda, Mr. Jaamac Oday kama uu san hadalin xilkaas loo magacaabay, iyadoo ay hore golaha wasiirada Soomaaliya ugu jireen xubno miisaan leh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayna ka mid tahay Raysul-wasaare kuxigeenka, ahna wasiirka Khaarajiga marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden.

Xiiska shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Wasiir Ka Goostay Somaliland Oo Muqdisho Soo Gaaray Ayaa Xil Wasiir Loo Magacabaay”

  1. ali jebiye
    December 16, 2012 - 9:43 pm

    WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA IYO KUXIGEENKIISA MALOO HESHIIYEY MISE WAA HUBSANAYNAA CIYAARTA CIYAARBAA KADANBEYSA EE ILASOCO WAX GARADOOW ?????????????????????????????? WALEE

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM