Buuhoodle: Daawo Nuxurka Qudbadihii Shalay Ee soodhawayntii Indha Sheel (Top Video)
Waxaanu Halkan Idiinku Soo Gudbin Doonaa Qudbadiihii Maalinimadii Shalay Laga Jeediyey Banaanbixii balaadhnaa ee ka dhacay Maagaalada Buuhoodle Iyo Qudabdihii Halkaa Laga Jeediyey.
Cuqaasha Iyo Dhamaan Wax Garadka Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Siwayn Usoo Dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Khaatumo State.
Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel oo kamida Golaha Madaxtooyada Maamulka Khaatumo State Ayaa Siwayn Ugu hadlay Arimo Dhowra, Wuxuuna Sheegay in Haatan xaaladu dhaaftay Xoraynta Laascaanood oo Kaliya, hasa Ahaatee Lasoo Xidhi Doondo Xuduudaha Khaatumo State Laga Bilaabo Yoocada Ilaa Magaalada Caynaba.

cimrigaa hajiro nooloow cadogaa hajabo ninkii dooniyo ninkii diidaba dibaaloonaqonayaa waa lanoqonayaa guuuuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul khaatumo state of somaliya
waa gabay ku saabsan dagaalkii kalshaale sidii mujaahidiintu ula dagaalameen
iidoorka
waxaa kaloo gabaygu ka hadlaya sidii dagaalka ka dib loo dabaal degay
waxaan ka loo gabayga kaga hadlaya saddexda reer ee dhulbahante lugta jiidaya iyo siday uga seexdeen waajibkoodii
waxaan ugu dambeeysiiyey sida aan uga xumahay xornimo la’aanta laascaanood. dhibaataduna ii taabaty aana habeen iyo maalin uga fekero dhibaatada laaska iyo raga la aanta i haysata.
1-Dha’da gabayga waataan beyahan dhaafay idilkiisba
2-Waataan ka dhaartoo dhaatay carabkayga
3-Maantana dhawaaq iiga yimi dhabanadii howde
4- Aan dhaqaajo maantoo kaluu dhaymo leeyahaye
5-Warkii dhinaca howd iiga yimi way dhanqalay maanta
6-Jirkii i wada dhaqaaq idil dhamaantay eh
7-Gama diide reer dhuloos gedi dhamaantoodba
8-Dhambaalada la diray war bay dhowda ku hayeene
9-Dhirbaaxooyinkii idoor dhaawacaa uunku wada dhuuntay
10-Dhaawacooda iyo maydkaa dhooban qori lugudiye
11-Habro dhaaminaayaa ooyey dhiiladi eh
12-Siday wax u dhaceen aan dhabaha saaro
13- Oo bal dhuuxa waa war dhane dhegadhegayntiisa
14-Ohalinyaro ilmaadeera oo dhaarsan oo faydan
15-Oo iswada dhaarsaday oo ficil dhaqaaqaaya
16-Oo shiishka maadhiinka iyo dhoobirka cabaystay
17-Waa dhiiga reerkayga iyo dhaladka buuhoodle
18- Iyagoo dhanbay idoor dagaal ugu dhaqaaqeen
19-Dhabanada kalshaale askari dhiiran baa galayeh
20-Kamaadoos la soo dhaariyaa hiirta dheemaalay
21-Dhuumaalaysi iyo xeelad bay dhuurta jeexe
22- Iidoor dhoocil oo wada hurday dhamacda saareene
23-Dhawaaqii kabaxay dhidaradii yaace
24- Libaaxyadu dhamaantood dhegaha fiiqfiiqe
25-Dhashiikaha markii lala dhacay dhinac u yaaceene
26-Buur dhabana bay dhankeed doc isu dhoobeene
27-Dhawaaq sare ayaan dalbaday bm kii dhinaca weynaaye
28- Ku dhuftay markaan nidhi bay madaxa dhiibsheene
29-Iyagoon dhanaba eegin bay dhagac yidhaahdeene
30-Suugaan u dhiibey, iyo bamkii dhimasho gaadhsiiye
31- Dhaawacoodi waakaa dhirtii dhaafay tiradiisu
32- Guda biirsay wada dhanqalan baysa soo dhiibey
33-Hadhaagii dhaqaa oo dhaafe qurilugude
34-Dhawaaqooda waxaa laga maqlaa ceelki buur dhaabe
35-Dhaar bay mareen inay idil dhamaadeene
36- Mar dambena dagaal sooma ay dhigane
37-Kamaadoosta dhaarsani waa libaax dhiig arkoo kale
38-Dhaqsoba u kala waax afkiyo miciyo dhiig yeeshay
39-Dhaantiyo waxay noo qabteen gabayo dhaadheere
40-Anaguna dhegeeysiga micnaha dhuuxnay idikiisba
41-Alla bariga iyo dhowrtada koromo dhaad gooye
42-Gabdho wada dhaloontiya oo boqor dhaclaynaaya
43-Oon ka dhicin ragoodoo uumiyuhu dhowro
44-Waa dhaladka buuhoodle iyo dhinaca reer howde
45-Dhulkoodii difaacoo iidoor gooye dhabarkiiya
46- Waxse dhibaya waa warkii dhinaca laaskiiye
47-Js tii dhamaan tood waa dhur falane
48-Iyagoori dhaan kama daraan oo waa wada dhufaankaase
49- Dhuuntiyo waxaa laga tumaa lugaha dhaadheere
50-Axmed hoolifki dhiiranaa waa dhif hadalkiisu
51-Dhalaalo ciira iyo waxa la siin dhaashi subagiiye
52-Majin dhoowr habeen teelaybay dhowrayaan abideh
53-Iidoor dhiig qadhmuunay talo la dhaarteene
54-Iga dhimate oo js dhaafay magaciina
55- Baharsamadi waa dhoowrsadaan sidii sidigta dhaameele
56- Dhiidhiibso baa lagu yidhi iyo hilibka soo dhiiba
57-Dhoobi iyo waxay wada noqdeen dhoocilo idoore
58-Dhimashada ma doonaan oo idoor hoosta kala dheele
59-Cagaaranena dhiiboo sooma dhiciyaane
60- Iga dhimate oo reerkanow dhigay magiciine
61-Ugaadhyahanku dhaantiyo ciyaar waa dheeli abidkiise
62- Waa niman dhalaanoo caqliga dhiisha loo sudhaye
63- Xaqoodii la dhacay dhaafe idilkiise
64-Dhabayiciyo shaydaan bay hiil ka dhowraane
65-Dhabanada taleex iyo qardhay xabagta dhuuqaane
66-Dhulna ma ay xoreeynayaan oo dhaarte idilkoode
67-Iga dhaafa nimankaan waa dhabayoo kale
68- Waxba ka dhowri maayoo walee dhaar ayaan maraye
69-Laaskii ladhacay baan dhowrayaa weli
70-Rag dhintaan u yeedhyeedhaya oon dhaqaqaynin
71-Dhibicdii ilmada baa indhihi hoor isoo dhacay
72-Dhaaha iyo ducaan intaa sare u dheegaaye
73-Dhawaaqii baxaayaba xoreeyn bay dheguhu moodaane
74-Dhamaantii jidhkey waa dhuubtay idilkiise
75-Telephoonka soo dhaca wadnuhu waay dhaqaaqaaye
76- Sidii dhidar dib jiray baan dhow rayaa socodka
77-Dhuuniga macuno oo biya cuno ma dhaafsiiyo
78-Inan dhugato qabo bay gabdhuhu igu dhaliilaane
79-Dhimashada inaan doorto baan dhawrayaa weliye
80-Iga dhaafa halkiyo naftuba waay dhibaayaane