(Daawo Sawiro) Wufuud Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Oo Booqasho Ku Tagay Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Magaalada Buuhoodle
Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) isla mar kaasna ka kooban Qaar kamida Gollaha Wasiirada ee Maamulka Khaatumo iyo Mas’uuliyiin kaleba ayaa booqasho ku tagay Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle, iyagoona halkaasi kula kulmay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali iyo xubnaha Bard-ka Jaamacada.
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) iyo wufuudii uu hogaaminayey ayaa intii ay ku sugnaayeen gudaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay indha indhayn buuxda kusoo sameeyeen qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadu, isagoona Madaxweynuhu gudaha u galay fasalada kala duwan ee Jaamacada xiligaas oo ay ardayda wax ka barata Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle ay waxbarashadu si toos ah ugu socotay.
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali oo ugu horeynba halkaasi ka hadlay ayaa waxbixin guud ka bixiyey marxaladihii ay soo martay Jaamacada iyo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Sheekh C/rashiid Xaaji Samatar oo kamida xubnaha Bard-ka Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle, isagoona geestiisa si weyn u soo dhoweeyey wufuudani booqashada ku timi Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle.
Jaamac Xasan Cabdi oo isna kamida qurba joogta ku sugan Magaalada Buuhoodle oo isla goobtaasi ka hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay horumarka balaadhan ee ay ku talaabsatay Jaamacadani.
Wasiir ku xigeenka wasaarada xidhiidhka caalamigaa iyo jaaliyadaha ee Maamulka Khaatumo Xasan Cali Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey hirgelinta laga hirgeliyey Jaamacadani gudaha Magaalada Buuhoodle, isagoona ugu baaqay qurba joogta kasoo jeeda Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn inay ka qayb qaataan dhamaystirka guriga u gaarka ah ee Jaamacada oo isagu haatan ah mid qabyaa.
Waxaa ugu dambeyntii booqashadani soo afmeeray Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel), isagoona geestiisa si weyn u soo dhoweeyey Jaamacadani isla markaasna sheegay ka maamul ahaan inay taageeri doonaan.
Isku soo wada duuboo booqashada ay ku yimaadeen Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle wufuudani uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) ayaa qayb ka noqonaysa booqashooyin kala duwan kuwaas oo dhamaantood ay Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle ku yimaadeen Qaar kamida isimada iyo Qurba Joog Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn iyo Madax kaleba, iyadoona Jaamacadani ay tahay tii ugu horaysay ee laga hirgeliyo guud ahaanba Gobolka Cayn tan iyo markii ay daaqada ka baxday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Halkan Ka Daawo Sawiro



















