afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:22 pm | Posted by

Faah Faahin: Qaraxyadii caawa ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo sedex ah oo caawa ka dhacay xaafada ay Soomaalida degan tahay ee magaalada Nairobi.

Sedex ruux ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay baar ama Club kuyaal meel aan ka dheereyn masjidka AlHidaaya ee xaafada Islii.

Goob jooge ayaa sheegay in bambooyin lagu weeraray goob Club ah oo kutaal halka loo yaqaan Ushrika oo ku dhow dhinaca Juja Road ee xaafada Islii,

Dadka dhaawaca ah ayaa isbitaalka loo qaaday iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay isku gadaameen ciidamada amaanka dalka Kenya.

Xaalada xaafada Islii ayaa caawa ah mid Allow Sahal ah, iyadoona ay dadka wadnaha farta ku hayaan maadaama xiliyada qaraxyada ay dhacaan la sameeyo howlgalo dad badan lagu raafo.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in uu jiro karo qasaaro badan oo ka dhashay qaraxan ka dhacay xaafada islii, iyadoo qaraxan uu qeyb ka yahay qaraxyo ka dhaca xaafada.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Faah Faahin: Qaraxyadii caawa ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobo”

  1. FARHIA
    December 17, 2012 - 1:08 am

    war qaraxaan malin hore buu ahaa nagadaa dee

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM