Agaasimihii guud ee Hay’adda Daryeelka Bulshadda Puntland Ismaaciil Aadan Diiriye Oo Shaqadii looga joojiyey Maxaad Idaacaddaha uga hadashay?
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire ayaa maantey wareegooyin 2 ah xafiiskiisa kasoo saarey maantey, Madaxwayne ku xigeenku wuxuu wareegtada koowaad xilkii uga qaadey Agaasimime ku xigeenkii Hay’adda Daryeelka Bulshadda Puntland C/kaafi Xassan Maxamed oo shalay ay dowladdu xirtey xilkana maantey uu madaxwayne ku xigeenku ka qaadey isagoo xiran.
Sidoo kale Wargeetada labaad ee madaxwayne ku xigeenka ayuu si KMG ah waxa uu shaqadii uga fariisiyey Agaasimihii guud ee isla hay’adda daryeelka bulshada Puntland isagoo eersaday hadal uu saxaafadda shalay siiyey uuna si xoog leh ugu dhaleeceeyey dowladda xariga agaasime ku xigeenkii hay’adda dawliga ah ee Daryeelka Bulshadda Puntland.
Agaasimaha guud oo hawlo shaqo u joogey Magaaladda Boosaaso ayaa Idaacadda VOA u sheegay in Agaasime ku xigeenkii hay’addiisa loo xirey fikirkiisa siyaasiga ah taas oo uu ku tilmaamay mid kasoo horjeeda dimuqraadiyadda iyo xaqa muwaadinku u leeyahay inuu fikirkiisa cabiro. Agaasimaha guud ayaa maantey shaqadii laga joojiyey iyadoo ganaax shaqo ka fariisin ah looga dhigayo sidii uu dowladda ugu canbaanreeyey waraysigii ay VOA la yeelatey.
Jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Puntland ee ku aadan xiliga doorashadda ayaa maalmahan saameyntiisu sii xoogaysatey waxaa xalay sidoo kale Garowe lagu xirey Nabadoon Maxamuud Maxamed Cali Garaace oo loo yaqaano Babayle kaas oo markii danbe ay siidaysay dowladdu kadib markii ay cadaadis kala kulmeen Odayaasha Nabadoonada ah ee Beesha Ciise Maxamuud. Nabadoonka ayaa ka mid ahaa waxagradkii gobalka Nugaal ee baaqa badbaadinta Puntland ah ku dhawaaqey ee kasoo horjeestey sanad kororsiga Madaxwaynaha Waqtigu kaga eg yahay 8.Jan.2013.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa had iyo jeer wareegtooyinkiisu yihiin kuwo shaqo ka fariisin iyo shaqo ka cayrin isugu jira oo uu madaxwaynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole u adeegsado si uu uga eed la’aado inuu hawlahaas isagu sameeyey.
Madaxda Hay’adda daryeelka Bulshadda Puntland ayaa waxay ahaayeen dhalinyaro aqoonyahan ah oo ka yimid Wadanka Ingiriiska kuwaas oo kor u qaadey shaqadii hay’adda Daryeelka Bulshadda Puntalnd muddo 7 bilood ah oo ay xafiiska hay’adda joogaan, mudadaas ayay mashaariic badan ku fuliyeen kuwaas oo kor u qaadey sumadda Hay’adda Daryeelka Bulshadda Puntland, waxay hadda masuuliyiintan gacanta ku hayeen dhisme weyn oo ay hay’adda u dhisayeen iyagoo doonayay inay hay’adda ka saaraan guriga ijaarka ah ee ay mudda 4 sano ah ay ku jirto.
