Arsenal Oo Xaqiijisay In Wilshere Iyo Oxlade-Chamberlain Iyo 3 Xiddig Kale Ay Saxiixeen Qandaraas Cusub.

Jack Wilshere, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Aaron Ramsey ayaa ka mid ah shan ciyaaryahan oo Arsenal u saxiixay heshiisyo waqti dheer, sida ay shaacisay xilli dhow Arsenal.
Seddexda ciyaaryahan ayaa mustaqbalkooda u hibeeyay kooxda ka dhisan waqooyiga London iyagoo saxiixay heshiisyo cusub, iyadoo Kieran Gibbs iyo Carl Jenkinson ay yihiin labada ciyaaryahan kal ee iyagana saxiixay qandaraasyo cusub.
Shantaan ciyaaryahan ee da’da yar ayaa wadar ahaan waxa ay Arsenal u safteen 350 kulan horyaalka Premier League, iyadoo Wilshere gaar ahaan lagu tilmaamayo kabtanka mustaqbalka iyo inuu noqdo xiddig England ah.
Tababare Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in heshiisyadan cusub ee ay saxiixeen da’ yartaan inay qeyb ka tahayy qorshihiisa uu ku dhisay koox da’ yar oo ciyaaryahano British u badan.
“Waxaan ku faraxsanahay in shantaan ciyaaryahan ay dhamaantood qandaraasyo mustaqbal dheer inoo saxiixeen” ayuu Wenger u sheegay website-ka kooxdiisa.
“Qorshaha waa in aan dhisno koox ay aasaas u yihiin ciyaartoydan da’da yar, si ay ugu horumariyaan tayadooda kooxdaa.”
abdirashiid ali
shabakada wararka afbayle
xafiiskeeda kampala
email:abdirashiid_akhyaar